4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 20, 2014
Mashaariicda uu Turkigu ka waddo Somalia oo Muqdisho lagu soo bandhigay


Talaado, May 20, 2014 (HOL) — Safaaradda Turkiga uu ku leeyahay Muqdisho ayaa lagu qabtay munaasabad lagu soo bandhigay howlaha ay dowladdu Turkigu ka waddo Somalia, iyadoo uu ka qaybgalay munaasabadaas ra’iisul wasaare, C/weli Sheekh Axmed Maxamed.

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay muuqaal ka tartumayay wax-qabadka ay Turkigu ka wadaan Soomaaliya, iyadoo iyadoo goobta bandhigga ay ku sugnaayeen xubno dalka Turkiga ka socday iyo safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Kamaaluddiin Kani Turan.

“Waxaan ugu horreyn salaamayaa ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga iyo shacabkiisa oo si deeqsinmo leh ugu soo guramaday Soomaaliya xilligii ay baahi weyn u qabeen in loosoo gurmado,” ayuu hadalkiisa ku billaabay ra’iisul wasaare C/weli.

Isagoo sii hadlayay ayuu yiri: “Shacabka Soomaaliyeed ma ahan kuwo weligood iloobaya gacantii ay dowladda iyo shacabka Turkiga u fidiyeen. gargaarkiinnuna kuma ekeyn dhinaca ban’adamnimada ee waxaad dib u dhisteen kaabayaashii dhaqaalaha oo shacabka Soomaaliyeed xasuusinasa sidii ay Muqdisho ahaan jirtay iyo hadda bilicda ka muuqata.”

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa uga tacsiyeeyay shacabka iyo xukuumadda Turkiga musiibadii ka dhacaday dalkooda todobaad ka hor, taas oo ay ku geeriyoodeen boqolaal Turki ah.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha ayaa uga mahadceliyay shacabka iyo dowladda Turkiaga dayactirka iyo qalabeynta ballaaran oo ay ku sameeyeen isbitaalka Digfeer, laamiyada Muqdisho qaarkood, iskoollada iyo qaar ka mid ah xarumaha dowladda.

Turkiga ayaa waxaa Soomaaliya kaga sugan hay’ado fara badan oo qayb weyn ka qaadanaya horumarinta dalka, iyadoo howlaha ha’yadaha Turkiga ay dalka ka billowdeen sannadkii 2011, markaasoo uu Muqdisho si lama filaan ah ku yimid ra’iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, qoyskiisa, mas’uuliyiin ka tirsan xukuumadda Turkiga iyo ganacsato.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya