4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 20, 2014
SH. CALI DHEERE: "Weerarrada Kenya waan sii wadaynaa illaa ay baxayaan"


Talaado, May 20, 2014 (HOL) — Afhayeenka Al-shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay inay sii wadi doonto weerarrada ka dhan ah dalka Kenya, illaa Kenya ay ka aqbalayso inay ciidamadeeda kala baxdo dalka.

Sheeh Cali Dheere ayaa xusay in xoogaggooda ay weerar ku qaadeen gudaha dalka Kenya ayna ku dileen halkaas askar iyo saraakiil ka tirsan booliiska Kenya, isla markaana hub iyo gaadiid kala duwan ay kasoo qabsadeen. Isagoo intaas ku daray in gaadiidka ay soo qab-sadeen ay gaarayaan saddex baabuur oo kuwa dagaalka ah.

“Qorshaha weerarkan aan ku qaadnay gudaha Kenya waa mid aan jawaab uga bixinaynay xad-guduyada joogtada ah ee ay ciidamada Kenya ku heyaan dadka Soomaalida ah ee dalkeeda ku nool. Sidoo kale waxay jawaab u tahay ciidamada Kenya ee sida gar-darada ah kusoo galay Soomaaliya iyo duqeymaha ay qaar ka mid ah gobollada dalka ka geysanayaan diyaaradahooda,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenka oo sii hadlayay ayaa yiri: "Dhowr mar ayaan Kenya ugu baaqnay inay kala baxaan dalkeenna ciidamadooda, balse way ka dhega adaygtay wixii maanta dhacay iyo kuwii ka horreeyay waa qayb yar oo ka mid ah jawaabta aan ka bixinayno duullaammada Kenya.”

Mar uu ka hadlayay ammaanka dalka Kenya ayuu sheegay inuu ku xiran yahay kan Soomaaliya, isagoo xusay in haddii ay ciidamadooda kala baxaan Somalia in ay xaqiiqo tahay inay ammaan helayaan.

"Ammaankiinnu wuxuu ku xiran yahay amniga shacabka Soomaaliyeed inaad ilaalisaan oo aad joojisaan laynta shacabkeenna, waxaad duqeysteen beeraha, in idinka aad nabadgashaanna waa mid aan dhacayn," ayuu afhayeenku mar kale ku yiri shirkiisa jaraa’id.

Afhayeenku uu hadalkiisa ku daray: “Wanku Cirka ma arko illaa la gowracayo; waxaad tihiin daalimiin kaafiriin ah, annaguna waxaan nahay madluumiin Alle kaashanaya. Waana idin ka aargudan doonnaa.”

Ugu dambeyn, Sheekh Cali Dheere wuxuu ugu baaqday inay ciidamadeeda kala baxdo Soomaaliya haddii kale ay ku sii socan doonaan weerarada amnigooda ku ah halista. Inkastoo mas’uuliyiinta dalka Kenya ay horay u sheegeen inaysan ka saarayn ciidamadooda Soomaaliya illaa Al-shabaab ka cirib-tiro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya