4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 20, 2014
Al-shabaab oo deegaan ku dhow Qansax-dheere ku gowracay qof Dumar ah

Talaado, May 20, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha degmada Qansax-dheere, Aadan Cabdi Qooqane oo wareysi siiyay HOL ayaa sheegay in haweeney lagu magacaabi jiray, Fartuun Axmed Maxamuud ay xoogag ka tirsan Al-shabaab ay ku gowraceen deegaanka Gel-gel oo u dhow degmada Qansax-dheere.

Aadan Qooqane wuxuu sheegay intaas ku daray in haweenaeyda ay la socdeen laba gabdhood oo ay dhashay oo da’yar, kuwaasoo hadda la geeyay degmada Berdaale ee gobolka Bay, isagoo aan sheegin sababaha loo dilay haweeneydaas oo la sheegay inay ka tirsanayd ciidamada dowladda Soomaaliya, balse wuxuu guddoomiyuhu diidday in haweeneydaas ay ka tirsanayd ciidamada dowladda.

Haweenayda iyo caruurteeda ayaa la sheegay inay ku socdeen Baydhabo, iyadoo ka timid Qansax-dheere , sababaha ay ugu socatay Baydhabo ayaa lagu sheegay xaaladeeda dhaqaale oo u saamixi wayday inay ku noolaato Qansaxdheere oo ah goob go’doon ay geliyeen Al-shabaab.

Warar badan ayaa la isla dhex-marayaa kuwaasoo ku saabsan dilka haweeneyda kuwaasoo qaarkood ay sheegayaan in haweeneydan ay ka tirsanayd ciiidamada dowladda Soomaaliya ee ku sugan gobolka Bay.

Al-shabaab weli kama aysan hadlin dilka haweeneydan ay gowraceen, iyadoo ay horay kooxdu dilal noocan oo kale ugu geysatay deegaannada ay kaga sugan yihiin gobolka Bay dad badan oo ay ku jiraan ganacsato iyo askar.

Hiiraan Online, Baydhabo