4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 20, 2014
Diyaarad dagaal oo maanta mar kale duqeysay deegaan ku dhow degmada Jilib


Talaado, May 20, 2014 (HOL) — Diyaarado dagaal oo la rumeysan yahay inay leedahay dowladda Kenya ayaa maanta mar kale duqeeyay deegaan ku yaalla duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe.

Duqeynta oo lala bartilmaameedsaday deegaanka Fara-guroow oo 3-km u jira degmada Jilib ayaa waxaa ku dhaawacmay shan qof oo lab aka mid ah ahaayeen haween, laba caruur ah iyo nin oday ah, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Goobjoogayala ku sugan deegaanka duqeyntu ka dhacday ayaa u sheegay warbaahinta in diyaaraduhu ay ahaayeen laba, balse ay mid keliya gantaallo ku ridday dhul beereed ku yaalla deegaankaas.

“Maanta diyaarado dagaal ayaa duqeeyay deegaanka Fara-guroow oo duleedka degmada Jilib ku yaalla, khasaaraha aan arkay waa shan qof oo dhaawac ah ma arag wax dhimasho ah,” ayuu yiri goobjooge ku sugan deegaanka la duqeeyay.

Sidoo kale, goobjoogaha ayaa sheegay in dadka dhaawacmay ay kala ahaayeen wiil yar iyo aabbihiis oo waayeel ah, laba haween ah iyo cunug kale, kuwaasoo ay gantaalladu ugu tageen guryahooda. Balse ma uusan caddeyn gantaallada ay diyaaraddu ridday tiradooda.

“Diyaaradaha labada ah mid waxay ahayd mid kormeer sameynaysay, balse tan kale ayaa duqeynta geysatay, tii duqeynta geysatay dib ayay u laabatay, laakiin weli tii aan duqeynta sameyn ayaa magaalada Jilib dul heehaabaysa,” ayuu mar kale yiri goobjoogahan oo magaciisa sababo ammaan u qariyay.

Waa markii labaad oo muddo hal toddobaad gudihiisa ah oo diyaaradaha dagaal oo ay leedahay Kenya ay duqeyn ka geystaan deegaanno ku yaalla duleedka Jilib oo ah magaalo ay gacanta ku hayso Al-shabaab.

Markii ay duqeyntu dhacday kaddib ayaa waxaa la arkayay ciidammo fara badan oo Al-shabaab ka tirsan oo soo buuxiyay degmada Jilib, iyadoo saraakiil kooxda u hadashay ay ku sheegayeen cod-baahiyeyaal inay diyaar u yihiin inay ka hortagaan weerar walba oo lagu soo qaado.

Duqeyntan ayaa waxay imaanaysaa iyadoo xoogag taabacsan Al-shabaab ay shalay weerar gaadmo ah ku dileen 12-sarkaal oo Keenyaan ah, kuwaasoo ku socday degmada Mandheera ee gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya