4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 20, 2014
Maraykanka oo saaraakiil ka tirsan dowladda China ku eedeeyay basaasnimo


Talaado, May 20, 2014 (HOL) — Dowladda Maraykanka ayaa soo saartay liiska  shan qof oo kamid ah millitariga Shiinaha,kuwaasi oo lagu eedeeyay inay si sharci-darro ah howlo basaasnimo ah ugu sameeyeen kombuyuutarrada qaar ka mid ah  shirkado laga leeyahay dalkaas si ay macluumaad sir ah uga helaan.

Wasaaradda arimaha dibadda Shiinaha ayaa eedaymahaas ku tilmaamtay kuwa  gaf ku ah,isla markaana dhaawici kara xiriirka labada dowladdood, iyadoo eedayntan ay tahay tii  ugu horeysay oo masuuliyiin sare oo dowladdaas ka tirsan loo soo jeediyo .

“Shikadaha la beegsaday waxaa kamid ah Alcoa World Alumina, Westinghouse Electric Company, Allegheny Technologies, US Steel Corporation,iyo SolarWorld “ayuu yiri xeer-ilaaliyaha guud ee Maraykanka Eric Holder oo la hadlayay warbaahinta.

“Amniga dhaqaalaheenna iyo awoodda aan u leennahay tartanka xagga suuqyada dunida waa  kuwa la xiriira amniga qarankeenna,“ ayuu mar kale yiri Holder oo tilmaamay in si lamid ah shirkadahaas lo  beegsaday shirkado waa weyn oo dowladdu  leedahay,kuwaasi  oo ka shaqeeya dhinaca  Nuclear-ka iyo horumarinta tamarta caalamiga ah .

Madaxweynayaasha Maraykanka iyo Shiinaha oo sanadkii hore ku kulmay shir lagu qabtay magaalada St. Petersburg ayaa ka wada hadlay arimo ku aadan amniga kombuyuutarada labada dal  ,inkasto aan si rasmi ah loo shaacin qodobada ay isku waafaqeen.

Ugu danbayntii eedaymahan ka soo baxay waaxda cadaalladda ee Maraykanka ayaa ku soo beegmaysa ,iyadoo horey uu  u jiray tuhun ay dowladda Shiinaha ka qabtay macluumaad loo gudbiyay bogga  WikiLeaks oo baahiyay sirro dhowr ah oo ay dowladda Shiinaha leedahay.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]