4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 20, 2014
Ra’iisul Waasaraha Soomaaliya oo Xalay Sagootiyay Ciyaartooy Soomaaliyeed


Talaado, May 20, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed ayaa kulan sagootin ah la qaatay labo ka mid ah ciyaartooyda Somalia uga qayb-galaya ciyaaraha fudud ee Afrika oo dhawaan ka dhacaya xarunta Botswana ee Gaborone.

Munaasabaddan sagootinta ah ayaa ka qaybgalay xubno uu ka mid ahaa wasiirka dhallinyarada iyo cayaaraha Soomaaliya, Khaalif Cumar Cali, waxayna u rajeeyeen ciyaartoyda Soomaailyeed guul inay kasoo hoyaan cayaaraha ay ka qayb-galayaan.

Xoghayaha guud ee guddiga olombikada Soomaaliya, Durraan Axmed Faarax oo ka hadlay xafladda ayaa uga mahadceliyay ra’iisul wasaaraha iyo wasiirka dadaalka iyo dhiirri-gelinta ay u samaynayaan ciyaartoyda Soomaaliyeed, isagoo dhinaca kale ka warbixiyay baahida kala duwan ee haysata waqtigan ciyaartoyda Soomaaliyeed.

“Mudane ra’iisul wasaare waan kaaga mahad-celinaynaa inaad sii dhawaysid xulka nooga qaybgalaya cayaaraha fudud ee Afrika oo ka billaaban doona Gaborone 21-ka bishan, waan jeclaan lahayn inay intaan ka bataan ciyaartoyda Soomaaliya u ma-talaya ciyaartan, balse duruufaha ayaa noo saamixi waayay. Soomaaliya waxaa uga qaybgalaya ciyaarahan fudud Axmed Xuseen Xasan iyo Maryan Nuux Muuse,” ayuu yiri Durraan ka sheegay kulanka

Khaalid Cumar oo dhankiisa hadal ka jeediyay xafladda ayaa ku ammaanay guddiga olombikada Soomaaliyeed sida ay u muujiyeena dadaallada dheeriga ah in booskii Soomaaliya ee bannaanaa la buuxiyo, wuxuuna ka codsaday ra’iisul wasaaraha in gacan la siiyo ciyaartoyda Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa u mahadceliyay guddiga olombikada iyo macallimiinta tababaray dhallinyarada ka qayb-galaya tartanka.

“Dhallinyaradan waxay haystaan fursad ay meesha uga saari karaan kooxaha halleeyay magacii iyo qiimihii dhallinyarada Soomaaliyeed, waxaa ku dhiirri-gelinayaa wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha in dhawaan la billaabo tartankii cayaaraha gobollada dalka, si mar kale boor looga jafo ciyaarihii horseedka u ahaa is-dhex-galka bulshada,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha oo dhanka kale xusay inay dhallinyaradan astaan u yihiin muuqaalkii iyo calankii Soomaaliyeed, isla markaana loo baahan yahay in gacan buuxda la siiyo, wuxuuna u .rajeeyay inay guul kasoo hooyaan tartanka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed ayaa wada qorshe dib loogu abaabulayo dhallinyarada Soomaaliyeed si meesha looga saaro dhibaatooyinka ay dhallinyarada u geysanayaan kooxaha nabadda-diiddan oo uu ula jeeday kooxda Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya