4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 20, 2014
Xoogag Taabacsan Al-shabaab oo Mandheera ku dilay Saraakiil Keenyaan ah

Talaado, May 20, 2014 (HOL) — Saraakiisha Kenya ayaa xaqiijiyay in xoogagga Al-shabaab ay toogasho ku dileen 12-sarkaal oo ka tirsan ciidamada Kenya, kaddib markii ay weerar lama filaan ah ku qaadeen gaadiid ay ciidamadan la socdeen oo kusii jeeday Mandheera.

Iska-horimaadkan oo socday muddo daqiiqado ah ayaa waxaa la sheegay inay ku gubeen xoogagga Al-shabaab laba gaari oo ka mid ahaa afar gaari oo ay wateen ciidamadan ay dileen, halka ay ku dhaawacmeen dagaalkan afar askari oo kale oo Kenyan ah, inkastoo aan weli la sheegin khasaaraha gaaray dagaalyahannadii Al-shabaab.

“Ciidamadan waxay wateen afar gaari, waxaana weerarku qabsaday markii ay soo gaareen deegaanka Cumar Jiloow oo 15-KM u jirta Mandheera, waxaana xoogagga weeraray gaadiidkan ay ahaayeen kuwo aad u hubeysan oo xitaa watay qoryaha garbaha laga tuuro,” ayuu yiri taliyaha booliiska Mandheera, Noah Mwivanda oo la hadlay warbaahinta.

Sidoo kale, Noah Mwivanda wuxuu sheegay in xoogaggii weerarka qaaday gaari ka mid ahaa kuwii ay ciidamadu wateen ay horay u qaateen ayna la aadeen Somalia, isagoo xusay in dagaalka uu ahaa midkii ugu khasaare badnaa ee dhawaanahan dhaca.

Afhayeenka howlgallada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo dhacada ka hadlay ayaa sheegay in weerarkaas ay ku dileen dhammaan ciidamadii Kenya ee gaadiidka la socday, ayna soo qabsadeen laba gaari oo ciidamadaas ay wateen ayna kala soo gudbeen xadka.

“Weerarku wuxuu ahaa mid qorsheysan, waxaana ku dilnay 12 sarkaal oo Kenyan ah oo ay ku jiraan shan sarkaal oo sar-sare, tanina waxay qayb ka tahay qorshayaal aan uga aargudanayno Kenya,” ayuu yiri Sheekh Abuu-Muscab.

Magaalada Mandheera oo ka mid ah magaalooyinka gobolka Waqooyi-bari ee dalka Kenya ayaa la kulantay weerarro dhowr ah bilihii lasoo dhaafay, iyadoo degmadan ay mid tahay degmooyinka ay ka dhacaan falalka ammaan-darro ee dalka Kenya ka dhacaya.

Ugu dambeyn, weerarkan ayaa imaanaya iyadoo maalmo ka hor ay diyaarad dagaal oo ay Kenya leedahay duqeysay degmada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe, halkaas oo saldig weyn ay ku leedahay Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya