4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 20, 2014
Madaafiic khasaare nafeed geystay oo xalay ku dhacay Degmada Boondheere

Talaado, May 20, 2014 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay afar kalena way ku dhaawacmeen madaafiic xalay ku dhacday degmada Boondheere ee gobolka Banaadir, kuwaasoo aan la ogeyn cidda ka dambeysa.

Guddoomiyaha degmada Boondheere, Qaasim Cabdullaahi ayaa sheegay in laba hoobiye ay kusoo dhaceen degmada xalay ayna khasaare nafeed geysteen, isagoo xusay in madaafiicadaas laga soo tuuray xaafadda Carrafaat ee degmada Yaaqshiid.

“Hoobiyeyaal ayaa xalay kusoo dhacay degmada, kii koowaad  wuxuu ku dhacay meel ku dhow isgoyska Maana-boolyo, halkaasoo uu ku dhaawacay afar qof oo lab aka mid ah ay ahaayeen carrruur iyo laba gabdhood oo dhallinyaro ah, hoobiyihii labaad wuxuu kusoo dhacay albaabka dhismaha wasaaraddii arrimaha gudaha hal qof oo dumar ayuuna ku dilay,” ayuu yiri guddoomiyaha degmada Boondheer oo ka bixinayay sharraxaad madaafiicda khasaaraha geysatay.

Duqeymahan ayaysan jirin cid sheegatay inay mas’uul ka tahay, iyadoo aysan ahayn markii uu horreysay oo xilli habeen ah hoobiyeyaal lagu garaaco magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

“Baaritaanno aan sameynay waxaan ku ogaannay in hoobiyeyaashan laga soo tuuray xaafadda Carafaat ee degmada Yaaqshiid, waxaana socda dadaallo lagu doonayo in looga hortago in duqeymahaas oo kale ay mar kale soo noqdaan,” ayuu mar kale yiri guddoomiyaha degmada Kaaraan.

Dhanka kale, iska-horimaad u dhexeeya ciidamada dowladda Soomaaliya iyo xoogag ka tirsan Al-shabaab ayaa isaguna xalay ka dhacay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalkaas.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalku uu billowday kaddib markii xoogagga taabacsan Al-shabaab ay weerareen saldhigga iyo bar koontarool oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya.

Maamulka cusub ee gobolka Banaadir ayaa markii uu xilka la wareegayay wuxuu sheegay inuu ahmiyadda koowaad siin doono ammaanka, isagoo xusay inuu dadaal u geli doono sidii magaalada Muqdisho ay u noqon lahayd goob ammaan uu ka jiro.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya