4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, May 20, 2014
Xildhibaanno taageero u muujiyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh


Talaado, May 20, 2014 (HOL) —Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa taageero u muujiyay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo ay dhawaan in ka badan 130-xildhibaan oo baarlamaanka ka tirsan ay u gudbiyeen qoraal ay kaga codsanayaan inuu is-casilo.

Mudanayaashan oo tiradooda ay hadallo kala duwan kasoo baxayaan ayaa waxay ka dalbadeen xildhibaannadii baaqa kasoo saaray madaxweynaha inay baaqaas ka laabtaan, ayna madaxweynaha talooyin siiyaan.

Qaar ka mid ah xildhibaanadii kulanka soo qaban-qaabiyay oo madasha ka hadlay ayaa waxay carrabka ku adkeeyeen inay ku qanacsan yihiin sii hoggaaminta dalka Xasan Sheekh Maxamuud; iyagoo ku ammaanay isbedello la taaban karo oo muddo yar ku hirgeliyay.

Xildhibaan C/raxmaan Dheere oo ka mid ahaa kuwii ka hadlay shirka ayaa sheegay in loo baahan yahay in taageero ballaaran loo muujiyo dowladda hadda jirta si ay ugu soo gaba-gabeyso howlaheeda muddada xilka uga harsan, isla markaana laga fogaado in taageero la siiyo cadowga dowladda.

“Kulankeenna maanta muhiimaddiisa waa taageerada iyo garab-istaagga dowladda Soomaaliya iyo in laga soo horjeesto dalabkii ahaa in madaxweynaha Soomaaliya uu is-casilo. Dowlada Soomaaliya waxay hamiga ku haaysaa in dalka sannadka 2016-ka uu galo doorasho xor ah oo qof walba oo muwaadin ah xor u noqdo inuu ka qayb-qaato,” ayuu yiri xildhibaan C/raxmaan Dheere.

Sidoo kale, waxaa kulanka ka hadashay xildhibaanad Aamina Cumar waxayna sheegtay in loo baahan yahay in wax loo qabto dadka tabaaleysan oo aan lagu mashquulin in madaxda dowladda ee waajibkooda shaqo gudanaya la niyad-jabiyo.

Xildhibaan Maxamed Cumar (Dalxa) oo ka mid ahaa xildhibaannadii mooshinka ka geeyay madaxweynaha Soomaaliya, balse sheegay inuu ka laabtay oo goobta ka hadlay ayaa sheegay inuu ugu baaqayo saaxiibbadiis inay ka laabtaan go’aankooda ayna u ogolaadaan madaxweynaha inuu howshiis sii wato.

Arrintan ayaa u muuqata mid laba garab oo iska soo horjeeda u qaybinaysa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo xildhibannadii kulanka ka qaybgalay ay intooda badan ahaayeen wasiirro ka tirsan baarlamaanka Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya