4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 19, 2014
Xildhibaanno ka socda BaarlamaankaTurkiga oo Muqdisho yimid (SAWIRRO)


Isniin, May 19, 2014 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Turkiga ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, iyadoona garaoonka Muqdisho ay ku soo dhaweeyeen xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Wafdigan xildhibaannada ah ee ka socda Turkiga ayaa socdaalkooda Muqdisho wuxuu la xiriiraa sidii loo xoojin lahaa xiriirka u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga iyo ka qayb-galka munaasabad lagu soo xirayo mashaariic hay’daha Turkigu ay ka wadaan Muqdisho.

Mudane, C/qaadir Macallin Cali oo ah xildhibaan baarlamaanka Soomaaliya u qaabilsan xiriirka Turkiga oo warbaahinta kula hadlay garoonka Muqdisho ayaa sheegay in wafdigan ay kormeer ku tagi doonaan dhismaha uu baarlamaanka Soomaaliya ku leeyahay Muqdisho si ay xildhibaannada Somalia ula shiraan.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Soomaaliya yimaadaan xildhibaanno ka socda dalka Turkiga, iyadoo xildhibaannadan ay noqonayaa kuwii labaad oo ka socda Turkiga oo Muqdisho yimaada.

Xildhibaannada ka socda Turkiga ayaan weli la hadlin saxaafadda, waxaase ay kusoo beegmaysaa imaanshahooda iyadoo baarlamaanka Soomaaliya uu maalin ka hor go’aamiyay in heshiiska ay dalka kaga shaqeyso shirkadda FAVORI LLC oo laga leeyahay dalka Turkiga ay dib ugu celiyeen xukuumadda Soomaaliya si ay dib u eegis ugu sameyso.

Dowladda Turkiga ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya haya’do wada howlo dib u dhis ah oo dalka lagu sameynayo, iyadoo sidoo kale ay xukuumaddan ballan-qaadday inay dhisayso xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya