4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 19, 2014
Guddoomiye ku xigeenkii Degmada Xamar-Jajab oo Qarax lagu dhaawacay


Isniin, May 19, 2014 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenkii hore ee degmada Xamar-jabab ee gobolka Banaadir ayaa ku dhaawacmay qarax gaarigiisa loogu xiray oo ka dhacay degmada Xamarweyne, gaar ahaan agagaarka waddada Via Roma.

Faarax Daahir Jimcaale ayaa la sheegay inuu damacsanaa inuu kexeysto marka uu qaraxani dhacayay, iyadoo aysan jirin khasaare kale oo qaraxaas uu dhaliyay, iyadoo goobta uu qaraxan ka dhacay ay ahayd goob ay dadku aad ugu badan yihiin.

Dhaawaca guddoomiye ku xigeenkii hore ee Xamar-jajab ayaa loo qaaday isbitaal si loogu daweeyo, iyadoo qaraxan uu noqonayo kii labaad oo maanta oo keliya ka dhaca magaalada Muqdisho.

Ciidamada ka tirsan kuwa dowladda Somalia ayaa gaaray goobta uu qaraxani ka dhacay, iyagoo billaabay inay baaritaanno sameeyaan si ay gacanta ugu soo dhigaan kuwii ka dambeeyay falkan.

Ma jirto cid sheegatay inay ka dambeyso weerarkan, iyadoo degmada Xamar-weyne ay bishan iyo tii ka horreysay ay ka dhaceen qaraxyo ay kala duwan, kuwaasoo midkood uu ku dhintay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka mid kalena uu ku dhaawacmay.

Sidoo kale, xildhibaan C/llaahi Coonka ayaa ka badbaaday bishan qarax loogu xiray gaarigiisa oo yaallay degmada Xamar-weyne, waxaana weerarkaas si cad u sheegatay Al-shabaab, iyagoo ku goodiyay inay sii wadi doonaan beegsiga ay ku hayaan xidhibaannada baarlamaanka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya