4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 19, 2014
Guddoomiye ku xigeenka Degmada Huriwaa oo ka Bad-baaday isku-day dil

Isniin, May 19, 2014 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka degmada Huriwaa ayaa ka badbaaday maanta isku-day dil, kaddib markii lala beegsaday qarax kuwa gacanta laga tuuro ah oo gaarigiisa lagu tuuray.

Weerarka bambaano ayaa guddoomiye ku xigeenkan oo lagu magacaabo Abshir Kaaraan lagula beegsaday inta u dhexeysa isgoysyada Sanka iyo kan Fagax ee degmada Kaaraan, iyadoo qaraxan dhaliyay khasaare nafeed oo soo gaartay dad shacab ah.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Axmed Xasan Yalaxoow oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in qaraxaas ay laba qof naftooda ku waayeen, shan qof oo kale oo ay ku jiraan ilaaladiisana ay dhaawacyo kasoo gaareen.

“Qaraxa wuxuu ahaa mid bambaano ah oo gaariga guddoomiye ku xigeenka lagu tuuray, balse ma jirto wax khasaare ah oo isaga gaaray, balse laba qof oo rayid ah ku dhinteen, shan kalena ay ku dhaawacmeen,” ayuu hadalkiisa ku sheegay guddoomiyaha degmada Kaaraan.

Sidoo kale, guddoomiyaha ayaa sheegay inay socdaan baaritaanno lagu doonayo in lagu soo qabto kooxihii weerarkaas ka dambeeyay, balse ma jirto cid uu si gaar ah ugu eedeeyay qaraxaas.

Guddoomiyaha degmada Huriwaa oo isaguna la hadlay warbaahinta ayaa isna sheegay in guddoomiye ku xigeenkiisa la weeraray, balse aysan waxba gaarin oo uu ka badbaaday qaraxaas oo la doonayay in lagu dilo.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka guddoomiye xigeenka degmada Huriwaa, iyadoo mas’uulkan uu noqonayo kii ugu horreeyay oo lala beegsado maamullada cusub ee degmooyinka gobolka Banaadir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya