4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 19, 2014
Dabaal-degga 18-ka May oo xaley lagu soo gunaanaday Hargeysa (SAWIRRO)


Isniin, May 19, 2014 (HOL) — Munaasibaddo loogu dabaaldegayo sanad guuradda 23-aad ee 18 May ayaa xalay lagu qabtay qasriga madaxtooyadda iyo dhawr hoteel oo ku yaalla magaaladda Hargeysa.

Xaflad si balaadhan loo soo agaasimay ayaa xalay lagu qabtay barxadda weyn ee xarunta madaxtooyada Somaliland, waxaana ka soo qaybgallay madaxweynaha, shirgudoonka baarlamaanka, xildhibaano, wasiiro, marti sharaf iyo dadweyne aad u faro badan oo lagu casuumay.

Munaasibadan ayaa lagu soo bandhigay Riwaayad loogu talogalay munaasibadda iyo heeso wadaniya oo ay qaadayeen fanaaniin laga soo casuumay dibadda iyo kuwii gudaha joogay.

Waxa xusid mudan munaasibadan madaxtooyadda waxa ka soo qaybgallay madax dhaqameedka ka yimid Soomaaliya, kuwaas oo xubin u hadashay sheegeen inay Somaliland u aqoonsadeen dal madax banaan, isla markaana marka ay noqdaan dadkay matalaan ku qancin doonaan horumarka iyo dawladda ka jirta Somaliland, isagu xusay in aanay kala masuugeen ictiraafka ay raadinayaan ee ay aqoonsadeen.

“Haddii aanu nahay madax dhaqameedkii Soomaali waxaanu soo dhawaynaynaa xoriyadda Somaliland, waxaanu aqoonsanaynaa si buuxdana u aqoonsanaynaa xorriyada Somaliland, waxaanan idinka raali galinaynaa wixii la idiiin geystay iyo dhibaataddii halkan ka dhacday”ayuu yidhi Suldaan C/casiis Cumar Daad oo ku hadlayey afka madax dhaqameedka ka socday Soomaaliya

Sidoo kale, madaxweyne Axmed Maxamed Siiilaanyo ayaa mar labaad bulshadda ugu hambalyey sanad guuradda 23 ee ka soo wareegtay madax banaanidda Somaliland, isagoo madax dhaqameedka soomaaliya ka gudoomay hadyad ay gudoonsiiyeen oo ay sheegeen inuu yahay aqoonsigooddii.

Dhinaca kale, waxa xafladdo sidan oo kale ahi ka dhaceen hoteelo ku yaalla magaaladda Hargeysa, waxaana xalay dadweyenuhu isku qaybiyeen munaasibadahan loogu dabaaldegayey oo ka heesayeen fanaaniin aad loo jecel yahay.

Xalay mar aan booqday hoteel Guuleed oo ku yaallay magaaladda Hargeysa waxa soo buux dhaafiyey dhawr kun oo qof oo dhalinyaro u badnaa, waxaana halkaaasi ka heesayey kooxda xidigaha geeska, waxaana munaasibadaasi  iskaashaday wasaarada warfaafinta iyo kooxdan, sidoo kale, hoteelka Crown waxa munaasibadan sidan oo kale ayaa ka socotay, waxaana dadkii halkaasi isugu yimid ku maaweelinayey fanaanadda weyn ee soomaaliyeed Sahra Axmed Jaamac iyo fanaaniin dhalinyaro ah oo ku wehelinayey.

Munaasibadan kala duwan ee ka dhacayey Hargeysa ayaa dadweynihii magaaladda dhex yaaci jiray fursad ay ku nastaan siisay, inkastoo sanad kasta sidan oo kale fanaaniintu dhalinyarada usoo bandhigaan maaweelooyin heeso u badan, taas oo aad loo buuxiyo.

Sidoo kale, munaasibadan sidan oo kale ayaa iyaguna ka dhacay dalalka dibadiisa, waxaana ila soo xidhiidhay ardayda jaamacaha ka dhigta dalka Turkiga oo sheegay inay munaasibad balaadhan ku qabteen halkaasi, isla markaana si weyn ugu xuseen

Si kastabaha ahaatee, dadweynaha magaaladda Hargeysa ayaa xalay buux dhaafiyey goobaha lagu xusayey ee fanaanintu ka heesayeen, ilaa hadana wax khasaare ah oo cidhiidhiga buux dhaafkaasi keenay ma jirin, inkastoo dhalinyaro aan lacag haysan oo doonaysay inay soo galaan ciidanku xoog ku muquuniyey.

Inta badan xafladaha ay fanaaniintu qabtaan ayaa illaa labaatan dollar lagu soo gala, taasina waxay keenta inay dhalinyaro aan awoodin inay lacagtaasi bixiyaan ay rabshaan xafladaha, haseyeeshee doorkan waxa la keenay hoteel walba ciidan ku fulin si ay uga hor tagaan dhalinyartaasi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland