4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 19, 2014
Maamulka Hiiraan iyo Saraakiisha AMISOM oo ka shiray Xaaladda Matabaan


Isniin, May 19, 2014 (HOL) — Kaddib dagaal culus oo maalintii shalay ku dhax-maray gudaha degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan xoogag sidda la sheegay ka wada tirsan Ahlu Sunna, ayaa kulan maanta ku dhaxmaray magaalada Beledweyne guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax iyo saraakiisha AMISOM looga wada hadllay xaalada degmada Matabaan.

Guddoomiyaha iyo saraakiisha AMISOM ee ka kala socda dowladdaha Jabuuti iyo Itoobiya ayaa kulankooda la sheegay in uu salka ku hayay siddii ciidammo kala dhax-galla dhinacyada iska soo horjeeda loogu dirri lahaa degmada Matabaan.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fitaax Xassan Afrax ayaa sheegay in ka maamul ahaa u dulqaadan doonin in lagu dul-dagaallmo sidda uu hadalka u dhigay dadka rayidka ah ee waqtigan la daalaa-dhacaya xaaladaha nolaleed, waxaana uu ugu baaqay dhinacyada ku dagaallamay degmada in ay ka fogaadaan mar kale in lagu dul-dagaallamo dadka rayidka ah.

“Kulanka waxaan uga wada hadalnay siddii ciidammo loo geyn lahaa degmada Matabaan kuwaa si looga hortago amaan darrada halkaa ka jirta,  runtiina waan isku afgaranay arrintaa saraakiishii aan kulanka yeelanay,’’ ayuu yiri C/fitaax Xassan Afrax.

Dagaal sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa shalay ku dhaxmaray degmada Matabaan xoogag sidda la sheegay ka wada tirsan Ahlu Sunna, kaa oo baqdin badan ku abuuray dadka rayidka ah ee ku dhaqan degmada.

Dhinaca kale, kulanka ku dhaxmaray guddoomiyaha maamulka iyo saraakiisha AMISOM ayaa looga wda hadallay siddii loo soo gudbin lahaa raashin gargaar ah oo ay dowladda ugu deeqday deegaannada laga saaray Al-shabaab ee gobolka Hiiraan, loona gaarsiin lahaa degmooyinka Buula-burte, Maxaas iyo deegaannada hoostaga Jalalaqsi, waxaana ay ballan-qaadeen saraakiisha AMISOM in sidda ugu dhaqsiyaha badan arrintan uga howlgali doonaan.

Ugu danbeyntii kulanka ayaa leysku afgartay siddoo kale in lala dagaallamo kooxaha jidgooyada dhigta ee dhibaatada ama caqabada ku ah isku socodka dadka iyo gadiidka isaga kala gudba gobollada dalka, waxaana jiri doona sidda ay sheegeen saraakiisha ciidammo gaar ah oo arrintaa ka howlgali doona.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya