4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 19, 2014
Madaxweynaha Soomaaliya oo xalay kormeeray saldhigyo Booliis (SAWIRRO)


Isniin, May 19, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxmauud ayaa xalay booqday saldhigyada booliiska Muqdisho qaarkood, si uu kormeer ugu sameeyo howlaha saldhigyada ay qabtaan xilliyada habeenkii ah.

Saldhigyada uu booqday Madaxweynaha waxaa ka mid ahaa; saldhigga Kaaraan, kan degmada C/casiis iyo kan degmada Waaberi, isagoo halkaas kulammo kula qaatay taliyeyaasha iyo saraakiisha saldhigyada.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale wuxuu la hadlay maxaabiista xabsiyadaas ku xiran qaar-kood, isagoo weydiiyay sababa loosoo xiray iyo dambiyada loo haysto, waxaana uu markaas kaddib warbixinno ku saabsan maxaabiista ka dhageystay saraakiisha saldhigyada booliiska ee uu xalay booqday.

Dhanka kale, madaxweynaha oo socd ku maray jidka Maka Al-Mukarama ayaa wuxuu la hadlay dadweyne xilli habeen-barkii ah halkaas ku haystay ganacsiyo, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen kuwo dukaamo ay u furnaayeen, kuwo maqaayado lahaa iyo haween jaadka iibiya, isagoo ka wareystay xaaladahooda iyo ganacsigooda.

Booqashadan ayaa ahayd tii ugu horreysay oo uu madaxweynaha Soomaaliya xilli habeen ah ku maro degmooyinka Muqdisho qaarkood, isagoo waddooyinka Muqdisho qaarkood socod ku maray.






Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya