4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 19, 2014
Wasiirka Difaaca Somalia oo shacabka ka dalbaday inay caawiyaan ciidamada

Isniin, May 19, 2014 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ayaa ka codsaday shacabka ku dhaqan gobollada Dalka inay ku garab-siiyaan ciidamada dowladda iyo AMISOM dagaalka ay kula jiraan Al-shabaab.

Xaamud ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay dadaal ugu jiraan sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen deegaannada ay gacanta kaga hayso dalka, si dalka nabad loogu soo dabbaalo.

“Shacabka Soomaaliyeed waa lagama maarmaan inay gacan ku siiyaan ciidanka dowladda iyo kuwa gacanta siinaya ee AMISOM sidii ay Al-shabaab uga saari lahaayeen dalka oo dhan,” ayuu yiri wasiirka oo la hadlayay warbaahinta.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay meel-mariso go’aankeeda ah inay Al-shabaab ka adkaato, isagoo intaas ku daray inay u baahan yihiin gacanta shacabka gobollada dalka ku nool si qorshaha uu u fulo.

Hadalka wasiirka gaashaandhigga ayaa imaanaya iyadoo gobollada dalka ay ka socdaan howlgallo lagula dagaalamayo Al-shabaab, kuwaasoo dadaal dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay kala wareegay deegaanno badan.

Al-shabaab ayaa weli gacanta ku hayso deegaanno badan oo ku yaalla gobollada dalka Soomaaliya, kuwaasoo ay ka mid yihiin, Jilib, Jamaame, Baraawe,  Diinsoor, Baardheere iyo deegaanno kale oo fara badan.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayaa billowgii sannadkan ku dhawaaqay in inta uusan dhammaan sannadkan ay Al-shabaab ka saari doonaan dalka oo dhan, inkastoo aysan ay weli Al-shabaab ku hayso deegaanno badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya