4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 19, 2014
Dowladaha Somalia & Iran oo Heshiis Muhiim ah ku kala saxiixday Muqdisho


Isniin, May 19, 2014 (HOL) — Dowladda Federalka Somalia ayaa soo dhaweysay qorshe ay dowladda Iiraan ku tababarayso shaqaalaha dowladda ee ku sugan caasimadda, kaddib kulan muhiim ah oo dhex-maray mas'uuliyiin labada dhinac ka kala tirsan.

“Iiraan waxa ay xiriir dheer oo walaaltinimo iyo mid saaxiibtinimo ahba ay la leedahay Somaliya ,waxaana naga go’an in aan xoojinno xiriirkas,” ayuu yiri Mr. Javad Dehghan oo ah safiirka dowladdaas  ee Soomaaliya.

War-muirtiyeed ka so baxay wasaaradda arimaha dibadda Soomaaliya oo HOL soo gaaray ayaa lagu sheegay in uu jiro heshiisyo dhex maray dowladaha Somaliya iyo Iran ,waxaana dhinacyada kulmay ay isla soo hadal qaaden arimo ku aadan horumarinta xiriirrada labada dowladood..

“Dowladdayda waxa ay kaalin muhiim ka qaadan doontaa maal-gashiga iyo waliba dib u dhiska Soomaaliya “ayuu hadalkiisa ku daray Javad oo xusay in ay bilaabi doonaan tababaro la siinayo shaqaalaha dowladda oo ay ku jiraan siyaasiyiinta dalka.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ayaa ammaanay kaalmada ay dowladda Iran ballan qaadday ,isagoo tilmaamay in seddexdii sano ee la soo dhaafay  si guul ah dalka looga hir-galiyay mashaariic  horumarineed.

Ugu danbayntii heshiiskan oo muhim  u ah dowladda Soomaaliya ayaa lagu wadaa in la sii ballaariyo ,iyada oo ay ka faa’idaysan doonaan shaqaale badan oo dowlada ka tirsan ,kuwaasi oo u baahnaa in dhinacyo badan laga taageero.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]