4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 19, 2014
Madaxweyne Xasan oo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada

Isniin, May 19, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magacaabay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya, xilkaan oo uu si KMG-nimo ah u hayay Col. Liibaan Cali Yaroow.

Wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in xilkan loo magacaabay, Col. C/raxmaan Maxamed Tuur-yare, iyadoo madaxweynuhu uu sheegay in xilkan uu muddo bannaanaa.

“Markii uu arkay madaxweynaha baahida loo qabo in la magacaabo xilka guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, markii uu arkay soo jeedinta wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, madaxweynuhu wuxuu go’aansaday inuu xilkan u magacaabo, G/sare C/raxmaan Maxamed Tuur-yare” ayaa lagu yiri wareegto kasoo baxday xafiiska madaxweynaha Somalia.

Xilkan ayaa waxaa horay u hayn jiray guddooomiyaha cusub ee gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab), iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo madaxweynuhu xilkan u magacaabo sarkaal ciidamada xoogga dalka ka tirsan.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan dowladda ayaa xalay socod ku maray xaafado ka tirsan magaalada Muqdsiho, wuxuuna intii uu socdaalka ku jiray booqday saldhigyo uu ka mid yahay saldhigga degmada Waaberi.

Madaxweyne Xasan ayaa markii uu tagay saldhigga waaberi wuxuu halkaas kula kulmay ciidamadii saldhigga joogay iyo maxaabiista ku xiran, isagoo wax ka weydiiyay ciidamada dadka xiran iyo dambiyada loo haysto.

Intaa kaddib madaxweynaha iyo xubnaha la socday ayaa waxay socod ku mareen inta u dhexeysa saldhigga booliiska Waaberi oo ku dhow isgoyska Dabka illaa isgoyska Sayidka.

Socdaalka uu madaxweynuhu xalay ku maray xaafado ka tirsan Muqdisho ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo uu ugu kuur-galayo xaaladda ammaanka ee Muqdisho tan iyo markii xilka madaxweynenimo loo doortay sannadkii 2012-ka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya