4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 19, 2014
Laba qof oo lagu dilay degmada Balcad iyo Baartianno ka socda Muqdisho

Isniin, May 19, 2014 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa xalay ku toogtay degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe laba qof oo mid ka mid ah uu ahaa taliyihii hore ee saldhigga booliiska degmadaas iyo ruux ka ganacsan jiray hilibka.

Sidoo kale, degmooyin ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa waxaa maanta ka socda howlgallo baaritaanno ah oo ay si wadajir ah u sameynayaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

Goobjooge ku sugan degmada Balcad ayaa warbaahinta u sheegay in dilka labadan ruux uu dhacay xalay fiidkii ayna geysteen dhalilnyaro bastoolado ku hubeysan, kuwaasoo ay u suurogashay dilka kaddib inay baxsadaan.

“Mid ka mid ah labada qof ee la dilay wuxuu ahaan jiray taliyaha saldhigga booliiska degmada, kan kalena wuxuu ahaa ruux ka ganacsada hilibka oo si weyn looga yaqaan degmada, waxaana geystay kooxo bastoolado watay,” ayuu yiri goobjooge ku sugan degmada Balcad oo sababo ammaan u qariyay magaciisa.

Saraakiisha maamulka degmada Balcad oo dhacdadan wax laga weydiiyay ayaa iyaguna sheegay in dilalku ay dhaceen, ayna geysteen kooxo aan hayb ahaan la aqoon, balse aya wadaan baaritaanno ay ku baadi-goobayaan.

Dhanka kale, degmooyinka ay howlgalladu ka socdaan ee Muqdisho ayaa waxaa ka mid ah degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag, waxaana goobaha ay baaritaannadani ka socdaan ka mid ah xaafadaha Baar-Ubax, Black Sea, Al-bakara iyo waddada warshadaha.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadahaas ayaa warbaahinta u sheegay inay ku arkayeen barxado waaweyn oo xaafadahaas ku yaalla dad badan oo lasoo ururiyay, iyadoo ciidamadu ay xalay gellinkii dambe galeen xaafadaha ay ka wadaan baaritaannada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya