4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, May 19, 2014
Iskahorimaad dhexmaray ciidanka AMISOM iyo Xoogag ka tirsan Al-shabaab

Isniin, May 19, 2014 (HOL) — Iska-horimaad ayaa xalay deegaanno ku dhow degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellada Hoose waxay ku dhax-mareen ciidamada AMISOM iyo xoogagga Al-shabaab, iyadoo la sheegay in dagaalka uu dhaliyay khasaare.

Dagaalkan ayaa yimid kaddib markii ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda oo ku socday deegaanno ka tirsan degmada Qoryooleey oo ay gacanta ku hayso Al-shabaab, balse xoogag Al-shabaab ka tirsan ayaa jidka u galay, iyadoo uu dagaalku socday muddo saacado ah.

Inkastoo ciidamada AMISOM, kuwa dowladda iyo Al-shabaab aysan ka hadlin dagaalka, ayaa haddana wararka laga helayo deegaannada ku dhow-dhow kuwii xalay lagu dagaalamay ay sheegayaan in lagu arkay maydadka laba qof oo dhinacyadii dagaalamay ka mid ah.

Qoryooley oo ka mid ah deegaannadii ay ciidamada dowladda iyo AMISOM ay kala wareegeen xoogagga Al-shabaab ayaa tan iyo xilligaas ahayd goob go’doon ah oo Al-shabaab ay ku hareeraysan yihiin.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa tallaabadoodan waxay kaga gol lahaayeen inay xayiraadda ay Al-shabaab saartay degmadaas kaga qaadaan, iyadoo la xusuusto in dhawaan uu degmadaas booqday ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo.

Al-shabaab ayaa tan iyo markii laga qabsaday degmada Qoryooley waxay isku dayayeen inay dib ula wareegaan, inkastoo aysan taasi u suurogelin weli, waxaana degmada ay ku qaadeen weerarro dhowr ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya