4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 18, 2014
Guddoomiye ku xigeenkii Xaafadda Bardaale ee Baydhabo oo caawa la dilay

Axad, May 18, 2014 (HOL) — Magaalada Baydhabo oo ay ka socdaan howl-gallo amniga lagu adkeynayo ayaa waxaa caawa lagu dilay guddoomiye ku xigeenka xaafadda Berdaale oo lagu magacaabi jiray, Idiris Gacmeey iyadoo lagu dilay gurigiisa.

Dhallinyaro hubeysan ay la dhaceen xabbado, isagoo ku geeriyooday isla gudaha gurigiisa, iyadoo kooxihii geystay dilkiisa oo bastoolado watay ay u suurogashay inay markiiba baxsadaan.

Weli ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka guddoomiye ku xigeenkii xaafadda Bardaale ee degmada Baydhabo, iyadoo sidoo kalena aysan ka hadlin mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo kan degmada.

Baydhabo ayaa waxaa ka socda howlgallo amniga lagu xaqiijinayo, iyadoo magaalada lagu arkayay waddooyinka maanta gaadiidka gaashaaman ee ay ciidamadu wataan oo aan weli lagu arkin gudaha magaalada.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobalka Gedo, Maxamed Cabdi Kaliil ayaa soo gaaray maanta magaalada Baydhabo, iyadoo ay la socdeen saraakiil ciidan oo ay ku jiraan kuwo ka tirsan ururka Ahlusunna Waljamaac.

Magaalada ayaa waxaa sidoo kale ka dhacay maanta shir albaabbada u xiran yihiin oo ay yeesheen qaar ka tirsan wasiirrada maamul-gobaleedka Koonfur-galbeed, waxaana loo diiday goobta shirka dhammaan warbaahinta ka howlgasha Baydhabo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in maalinta berri ah la sugayo madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, Madoobe Nuunoow Maxamed oo maalmahan ku sugnaa Muqdisho si uu shir ula yeesho mas’uuliyiinta gobolka Gedo.

Hiiraan Online, Baydhabo