4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 18, 2014
Dagaal Degmada Matabaan ku dhex-maray Ciidammo kawada tirsan Ahlusunna

Axad, May 18, 2014 (HOL) — Ugu yaraan saddex qof ayaa ku geeriyooday, waxaana ku dhaawacmay tiro intaas ka badan, kaddib iska-horimaad ciidammo kawada tirsan ururka Ahlusunna Wal-jmaaca ku dhexmaray maanta degmada Matabaan ee gobolka Hiiraan.

Dagaalkan ayaa yimid, kaddib markii ciidammo ka tirsan kuwa Ahlusunna oo kasoo gadooday degmada Guriceel ay isbaaro dhigteen duleedka Matabaan, halkaasoo ay uga daba-yimaadeen ciidammo kale oo Ahlusunna ka tirsan.

Goobjooge ku sugan degmada Matabaan ayaa warbaahinta u sheegay inuu dagaalku socday muddo fog, iyadoo laga adkaaday ciidamadii isbaarada ay u tallaabay duleedka degmada.

“Iska-horimaadku wuxuu ahaa mid culus, waxaana ciidamadan isbaarada dhigtay weeraray ciidammo kale oo Ahlusunna ka tirsan, waxaana aragnay saddex dhimasho ah iyo dad ka badan tiradaas oo dhaawacmay, kuwaasoo loo qaaday isbitaalka Guriceel,” ayuu yiri goobjoogaha oo aan magaciisa sheegin.

Guddoomiyaha Ahlusunna Waljamaaca ee degmada Matabaan Maxamuud Xasan Cali ayaa sheegay in dagaalka uu yimid markii degmada Matabaan ay isbaaro dhigteen ciidammo ka tirsan Ahlusunna oo ka yimid Guriceel.

“Runtii dagaalku khasaare nafeed ayuu geystay, ciidamadii degmada dhigtay isbaaradana waa la eryay, xaaladduna hadda way deggen tahay,” ayuu yiri Maxamuud Xasan oo intaas ku daray inaysan aqbalayn in degmada la dhigto isbaaro dadka lagu dhibaateynayo.

Dagaalkan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ciidammo Ahlusunna kawada tirsan ku dhexmara degmda Matabaan ee gobolka Hiiraan oo ka mid ah degmooyinka ay maamulkaan ururka Ahlusunna.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya