4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 18, 2014
Odayaasha dhaqanka Gobolka Hiiraan oo dhaliilay Baarlamaanka Soomaaliya


Axad, May 18, 2014 (HOL) — Kulan ay maanta ku yeesheen magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan golaha odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan, waxaa ay eedeyn ballaaran u soo jeediyeen baarlamaanka Soomaaliya oo todobaadyadii ugu danbeeyay mashquul ku ahaa mooshan ka dhan ah mas’uuliyiinta dowladda oo uu madaxweynaha ka mid yahay.

Nabadoon Muumin Barre oo ka mid ahaa xubnihii odayaasha ka  hadllay kulanka ayaa sheegay in baarlamaanka Soomaaliya oo laf-dhabar u ah dowladda xubno ka tirsan doonayaan in ay dalka dib ugu celiyaan 1991-kii iyo waqtiyadii colaada ee la soo dhaafay.

“Sidda aan la socno todobaadyadii ugu danbeeyayba waxaa jiray xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo siweyn ugu mashuulsanaa arrimo aysan jecleysan shacabka Soomaaliyeed, sidda in mooshin laga keeno mas’uuliyiin Qaran oo gudana waajibaadkooda shaqo, ma’aha in arrintan xildhibaannada oo dhan ku eedeysan yihiin, waa qaar ka mid ah xildhibaannada oo aan aaminsan-nahay in ay danno kale ka shaqeynayaan,’’ ayuu yiri Nabadoon Muumin Barre

Waxaa uu kula dardaarmay nabadoonka mudanayaasha kale ee baarlamaanka in ay siweyn arrintan ugu dhaba-gallaan, si looga badbaado fashil guud oo ku dhaca hay’addaha dowladda, madaama baarlamaanka laftirkiisu uu ka mid yahay hay’addaha Qaranka.

Nabaddoon Shuuriye Xuseen Xaayoow oo isna ka hadllay kulanka ayaa sheegay in aysan jecleysan ka hadalka howlaha la xiriira shaqada baarlamaanka, laakiin sidda uu hadalka u yiri ka fursan waayeen in ay ka hadllaan sidda ay wax u socdaan, madaama ayuu yiri xubno ka tirsan baarlamaanka doonayaan in ay cuuryaamiyaan howlaha dowladda.

“Annaga odayaal dhaqan ayeeynu nahay, runtii ma jecleyn in aan dhax-gallno arrimaha siyaasada, laakiin marka aan aragnay sidda ay wax u socdaan mas’uuliyada ayaa na fareysa in aan ka hadalno arrimahan socda, sidaa daraadeed waxaa leeyahay xildhibaannada howllo culus mas’uul mooshin laga keeno ayaa iyaga hor yaalla, ha gutaan waajibaadka loo idmaday,’’ ayuu yiri nabadoon Shuuriye Xuseen Xaayoow.

Kulanka odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ay maanta ku yeesheen Beledweyne ayaa ku soo beegmaya xili maanta xildhibaannada baarlamaanka codka kalsoonida siiyeen wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka xukuumada Somalia C/llaahi Goodax Barre oo dhawaan 65 xildhibaan ka soo gudbiyeen mooshin ka dhan, xili dhinaca kale isla xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka diyaarinayaan mooshin ay ku diidan yihiin shaqada wasiirrka amniga Qaranka C/kariin Xuseen Guuleed.


C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya