4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 18, 2014
Ra’iisul Wasaaraha oo furay Tababbar lagu soo bandhigayo dadka Somalia


Axad, May 18, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta ka qayb-galay siminnaar lagu soo bandhigayay qiyaasta tirada dadka Somalia oo ay si wadajir ah u fuliyeen wasaaradda qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah iyo san-duuqa Qaramada Midoobay u qaabilsan dadka (UNFPA), isagoo dhinaca kale kormeer ku tagay qaar ka mid ah wasaaradaha xukuumadda.

Wasiirka Qorshaynta iyo iskaashiga caalamka, Siciid C/llaahi Dani oo hadal ka jeediyay goobta ayaa ka sheekeeyay marxaladihii kala duwanaa ee soo maray barnaamijkan, isagoo dhinaca kale sheegay muddadii lagu jiray hawshaan inay u duruufo adag kala kulmeen dadkii ka shaqaynayay barnaamijkan.

“Tababbarkan qiime weyn ayuu u leeyahay dalka, isagoo ka turjumayaa qorshe hawleedkii xukuumaddu soo jeedisay, kaasoo saldhiggiisu yahay in dib loo abaabulo hay’adihii dawladda si waajibka bulshadooda ka saaran u gutaan. Barnaamijkan wuxuu ka kooban yahay daah-fur sahan tirakoob ee dalka si horudhac ah looga sameeya, xogta hadda la hayaana maahan middii rasmiga ahayd ee dalka, balse waa isku day. Mudane ra’iisul wasaaraha barnaamijkan maanta intii aan wadnay dad baa u dhintay kuwa kalana waa u dhaawacmeen meelaha la tagay badankoodu ma ahan kuwa amni ah ama dawladdu gacanta ku hayso,” ayuu yiri wasiirka qorshaynta.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo isna hadal ka jeediyay ayaa xusay isku-dayga laga sameeyay qiyaasta tirada dadka Soomaaliyeed inay fududeynayso in la ogaado guud ahaan tirada dadka Soomaaliyeed oo wixii ka dambeeyay dawladdii dhexe ee Soomaaliya aan lagu sameyn tirakoob rasmi ah.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha xukuumadda Somalia ayaa kormeer ku tagay wasaaradaha beeraha, xanaanada xoolaha, shaqada iyo shaqaalaha, qorshaynta iyo wasaaradda arrimaha dibadda, isagoo ku dhiirri-geliyay shaqaalaha goobihii uu booqday inay dar-dar geliyaan hawlaha ay hayaan.

Mudane C/weli Sheekh ayaa kormeer ku sameeyay xaruntii hore ee wasaaradda Beeraha oo dad shacab ah oo horay u deggenaa tan iyo burburkii dawladdii hore laga saaray dhawaanna lagu samayn doono dib u-dhis.

“Aad ayay ii farxad-gelinaysaa inaan maanta joogo xarunta wasaaradda beeraha oo ahayd xaruntii wax-soo-saarka, aqoonta iyo cilmi-baarista dalka. Xaruntaan waxaa laga maamuli jiray horumarka runta ah ee Soomaalidu u baahan tahay,” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Wasiirka Beeraha oo kusoo dhaweeyay ra’iisul wasaaraha ayaa yiri: “Ra’iisul wasaare muddo ka badan 23-sano kaddib waxay wasaaradda Beeruhu dib u heshay xarunteedii, dadkii meeshaan deggenaa waxay nala garowsadeen in wasaarad marti ah aysan waxba qaban karin,” ayuu yiri wasiirka beeraha, Cabdi Axmed Baafo.

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha ayaa kormeer ku tagay wasaarada arrimaha dibadda, waxaana ujeedka kormeerkiisu ahaa mid loogu kuur-galayo hannaanka ay u shaqayso wasaaradda, isagoo indho-indheyn ku sameeyay xarunta, keyda wasaaradda oo ay yaallaan dukumiintiyadii wasaaradda arrimaha dibada laga soo billaabo xilligii gumaysiga illaa 1991-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya