4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 18, 2014
Diyaarad Dagaal oo Maanta Duqeyn ka Geysatay Dulleedka Degmada Jilib


Axad, May 18, 2014 (HOL) — Diyaarad dagaal ayaa maanta duqeyn ka geystay duleedka degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, iyadoo aan la sheegin wax khasaare ah oo ka dhashay duqeyntan.

Wararka la helayo degmada Jilib ayaa sheegaya in diyaaradda oo markii hore joog hoose ku socday ay xoogagga Xarakada Al-shabaab ku rideen qoriga lidka diyaaradaha, iyadoo wax yar kaddib ay gantaal ku jawaabtay.

“Waxaan maqlay laba qarax oo waaweyn, markaas kaddib diyaarad ayaa soo dul-martay magaalada,” ayuu yiri Cusmaan Maxamed oo ka mid ah dadka ku nool degmada Jilib oo warbaahinta la hadlay.

Magaalada Jilib ayaa waxay 320-km dhinaca Koonfureed kaga beegan Muqdisho, halkaas oo saldhig weyn u ah Xarakada Al-shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM.

Sheekh Ibraahim Abuu-Xamza oo ka mid ah saraakiisha Al-shabaab ayaa isna warbaahinta u sheegay in duqeyntu ay dhacday, balse aysan jirin wax khasaare ah oo gantaalladan ay ka geysteen deegaanka.

“Cadowgu waxay isku dayeen inay argagax-geliyaan carruurta iyo haweenka ku nool magaalada Jilib, waxayna gantaallo ku dhufteen duleedka magaalada, balse Alle mahaddiis ma jiraan wax khasaare ah oo ka dhashay,” ayuu hadalkiisa ku daray Abuu-Xamza oo la hadlayay wakaaladda wararka ee AFP.

Maxamed Xaashi oo ah goobjooge ku sugan degmada Jilib ayaa isaguna sheegay in duqeynta kaddib ay diyaaraduhu aadeen dhanka degmada Kismaayo, isagoo yiri: “Gantaalladu waxay ku dhaceen dhul cidlo ah oo ku yaalla dhinaca jidka aada magaalada Kismaayo.”

Diyaaradahan ayaa la rumeysan yahay in laga leeyahay dalka Kenya, iyadoo ay diyaaradaha Kenya sannadkii lasoo dhaafay duqeeyay degmada Jilib iyo kuwo kale oo ka tirsan gobollada Jubbooyinka, halkaasoo ay ku dileen dad rayid ah oo aan waxba-galabsan.

Kenya ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya ciidammo qayb ka ah AMISOM oo ka howlgala gobollada Jubbooyinka, inkastoo ciidamadan lagu eedeeyo inay gacan-saar la leeyihiin maamulka ka arrimiya Jubbooyinka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya