4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 18, 2014
Shaqaalaha Safaaradda Maraykanka ee Magaalada Nairobi oo la Dhimayo


Axad, May 18, 2014 (HOL) — Safaaradda Maraykanka ee magaalada Nairobi ayaa walaac ka muujisay falalka amni xumo ee baryihii la soo dhaafay ka dhacayay qaybo ka mid ah dalkaas, iyadoo safaaraddu ay dalbatay ciidamo dheeri ah oo amnigeeda ilaaliya.

War-murtiyeed ka soo baxay xafiiska safiirka  ayaa lagu sheegay in safaaraddu ay u sii shaqayn doonto si caadi ah ,waxaana uu meesha ka saaray warar ay qaar kamid ah saxaafadda Kenya baahisay oo ahayd in gabi ahaanba la xiri doono safaaradda.

Mr Robert Godec ayaa maalinmadii jimcaha waraaq gaar ah u qoray shaqaale dhan 1,300 oo ruux  oo ka howl-galla safaaradda, isagoo si gaar ah waraaqdiisa ugu xusay in dhawan isku shaan-dhayn lagu samayn doono shaqaalaha xafiiskooda.

“Dowladdeena waxay u mahad-celinaysaa Kenya oo ka jawaabtay dalabkiini ahaa in wax laga qabto arimaha amniga oo caqabad wayn ku ahayd danaheeda halkan iyo waliba muwaadiniin badan,“ ayaa lagu yiri war ka soo baxay safiirka.

“Nasiib wanaag waxa noo sahlanaatay inaan helno macluumaad la xiriira hanjabaadaha kooxaha argagaxisda ah ,kuwaasi oo khatar ku ahaa amniga Kenya iyo tan bulshada caalamka“ayuu mar kale yiri Mr Godec oo in badan ka hadlay walaaca dowladdiisa ay ka qabto arimaha amniga.

Dowladda Ingiiriiska ayaa maalmo ka hor ka daad guraysay  gudaha dalkaas dad gaaraya 500 oo ruux oo Kenya u joogay arimo dalxiisa, iyadoo laga cabsi qabay in si gaar ah loo beegsado,waxaana digniinahaas kuwa lamid ah soo saaray dowladaha kala ah Austaralia, Faranskiiska iyo waliba Maraykanka.

Ugu danbayntii  laga soo bilaabo ilaa iyo sanadkii hore waxaa  gudaha Kenya  ka dhacay 12- qarax oo uu ku jiro weerarkii lagu qaaday Westagate oo ay ku dhinteen dad tiro badan ,waana arinta kor u sii qaadday shakiga laga qabo amniga Kenya oo xiligan noqday mid aan la isku halayn karin.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]