4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 18, 2014
Ciidanka Ilaalada Qaramada Midoobay oo Howshooda ka billaabay Muqdisho

Axad, May 18, 2014 (HOL) — Ergeyga Qaramada Midoobay ee arrimaha Somalia, danjire Nicholas Kay ayaa guddoomiyay kulankii ay sida rasmiga ah howshooda ugu billaabayeen ciidamada Ilaalada Qaramada Midoobay ee Muqdisho, kuwaasoo ka socda dalka Uganda.

Ciidamadan Ilaalada QM waxay ka kooban yihiin 410 askari oo dowladda Uganda ka socda, waxaana ciidamadan hoggaaminaya taliye Uganda ah, mas’uuliyaddooduna waxay hoos imaanaysaa xafiiska Qaramada Midoobay ee Somalia UNSOM. Iyadoo ciidamadan uu saldhiggoodu noqon doono garoonka diyaaradaha Muqdisho.

“Soo daabulidda ciidamada Ilaalada Qaramada Midoobay waa tallaabo muhiim ah sida aan annaguba u sii wadno baahinta howlgalladeena aan ku taageerayno dadka Soomaaliyeed,” ayuu yiri danjire Kay. “Waxaan aad ugu mahad-celineynaa Uganda oo sii waddo inay gacan ka geysato dhismaha-nabadda- iyo dalka Soomaaliya.”

Danjire Kay oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri: “Waxaan u mahad celineynaa mar kale inta na marti-gelisay, dowladda federaalka Soomaaliya; dadka Soomaaliyeed iyo saaxiibadeenna howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) oo aan uga mahad-celineyno taageerada ay siiyaan ciidamada Ilaalada QM.”

Ciidamadan oo si rasmi ah u billaabay howshooda 15-kii bishan May, waxay ka dhigan tahay ka qayb noqoshadii ugu horreysay abid ay xoogagga Uganda ka qayb noqdaan xarumaha howlgallada Qaramada Midoobay. 

“Xukuumadda Uganda waxaa ka go’an inay ku taageerto Soomaaliya dadaalka ay ugu jiraan gaarista nabad waatra,” ayuu yiri Jen. Charles Angina oo ah taliye  ku-xigeenka ciidamada dhulka Uganda. “Waa inoo sharaf inaan ku biirno qoyska QM, waxaan sameeyn doonnaa dadaal xooggan si loo xaqiijiyo awoodda ay Qaramada Midoobay  howsheeda uga sii wadan karto Muqdisho iyagoo aan cabsi qabin.”

Abuurista ciidamadan ilaalinaya xarumaha Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku timid soo jeedinta xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon, kaddib markii weerarro dhowr ah ay Al-shabaab la beesatay xarumaha Qaramada Midoobay ee Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya