4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 18, 2014
Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka oo sheegay in Isbaarooyin badan la qaaday

Axad, May 18, 2014 (HOL) — Taliyaha ciidanka xoogga dalka ayaa sheegay inay ku gudo-jiraan qaadista isbaarooyin uu sheegay inay yaallaan gobollada dalka qaarkood, isagoo intaa ku daray in isbaarooyinkii ugu badnaa ay ka qaadeen gobolka Shabeellada Hoose.

Jen. Daahir Aadan Cilmi (Indha-qarshe) ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka ay ku guuleysteen inay dilaan 17 ruux oo ka mid ah kooxihii isbaarooyinku gobolka Shabeellada Hoose u yaalleen, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawaceen.

“Ciidamada dowladda Soomaaliya waxay ku guuleysteen inay isbaarooyin badan ka qaadaan deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose, waxaana ciidamada kaga dhintay howlgalladaas toddoba askari, waxaana kaga dhaawacmay 15-askari,” ayuu yiri taliyaha ciidamada xoogga dalka.

Sidoo kale, taliyaha ayaa sheegay in kooxaha isbaarooleyda ah ee ay dileen ay isugu jireen kuwo ciidammo ah iyo kuwo ciidan u eke ah, isagoo xusay inay ku gubeen howlgalladaas sagaal baabuur oo ay wateen kooxahaas isbaarooyinka dhiganayay.

“Howshu waa sii socon doontaa illaa laga waayo qof isbaaro dhigta. Waxaa jirta in isbaarooyinka waddooyinka lasoo dhigto, marka ay ogaadaan inay ciidamadu u soo socdaanna way ka cararaan, waayo waxaa laga yabaa in askari ciidamada ka mid ah uu taleefoon ugu sheego inaan ku soconno,” ayuu yiri Jen. Indho-qarshe.

Taliyaha ayaa dhanka kale sheegay in ciidamada xoogga dalka ay mar walba heegan ugu jiraan inay isbaarooyinka la dagaalamaan, isagoo qiray inay jiraan kuwo ciidamada ka mid ah oo isbaarooyinka dhigta, balse ay ula mid yihiin kuwa burcadda ah.

Hadalka taliyaha ciidamada xoogga dalka, Jen. Daahir Indho-qarshe ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ganacsatada iyo gaadiidleyda ku safarta deegaannada gobolka Shabeellada Hoose ay ka cabanayaan isbaarooyin waddooyinka gobolkaas u yaalla ciidammo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya