4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 18, 2014
Madaxweynaha PL oo xalay casho-sahraf u sameeyey naadiga Garowe City
Axad, May 18, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa xalay xarunta madaxtooyada ee magaalada Garoowe wuxuu casho sharaf ugu sameeyey ciyaar-yahannada kooxda kubadda kolayga ee Garowe City.

Kooxda oo kaalinta labaad kasoo gashay tartankii kubadda kolayga ee magaalooyinka bariga iyo bartamaha Afrika, waxay magaalada Garoowe soo gaareen gelinkii hore ee shalay.

Xafladda casho sharafta oo ay kasoo qayb galeen mas'uuliyiin badan oo Maamulka Puntland ka tirsan, waxaa ugu horreyn ka hadlay Madaxweyne Gaas isagoo hambalyo iyo ammaan usoo jeediyey tababaraha iyo ciyaar-yahannada naadiga Garowe City.

"guul aan ka dhicin soomaaliya 25-kii sano ee la soo dhafaay ayaan dhihi karnaa way soo hoyeen dhallinyaradani, waxan leeyahay marka u horaysa hambalyo, magac baad Soomaliya u soo jiideen, magac baad Puntland u soo jiideen, sharaf baad magaaladii aad magaceeda ku dheelayseen u soo jiiden" Madaxweynaha ayaa sidaas yiri.
HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Dhanka kale, mar uu ka hadlayey muhiimadda ay ciyaaruhu leeyihiin iyo sida ay nabadda iyo is-dhex-galka bulshada qayb uga qaataan, waxaa hadalladiisii kamid ahaa "ciyaaruhu waxa ay kamid yihiin waxyaabaha isu soo dhaweeya bulshada...mid kamid ah wiilasheenuna waxa uu noqday ninka ugu goolasha badnaa waana wax lagu Farxo"

Garowe City waxay kaalinta labaad ka gashay tartankii kubadda kolayga ee magaalooyinka ku yaalla bariga iyo bartamaha Afrika ee May 11, 2014 dalka Tanzania kusoo gaba gaboobay, kaddib markii ciyaartii kama dambeysta ahayd ay isugu soo hareen Kooxda Qaahira oo ay guushu ku raacday 72-84.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya