4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 17, 2014
Baaritaanno lagu adkeynayo Amniga oo ka billowday Baydhabo (SAWIRRO)


Sabti, May 17, 2014 (HOL) — Ciidamada booliiska Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo ee gobolka Bay ayaa billaabay baaritaanno ay ka sameynayaan gadiidka mara waddooyinka magaaladaas, kuwaasoo la sheegay inay yihiin kuwo lagu adkeynayo ammaanka magaaladaas oo qarax is-miidaamiin ah uu ka dhacay toddobaadkii hore.

Baaritaannada ayaa lagu sameynayaa baabuurta magaalada iyo kuwa safaradda ku mara, waxaa kaloo la baaryaa garaashyada lagu xareeyo baabuurta, iyadoo ay ka socdaan magaalada howlgallo lagu qab-qabanayo dadka ku cusub magaalada ee aan la garanayn iyo kuwa laga shakiyo.

Kaddib qaraxii lala eegtay xarunta Dahabshiil todabaadkii hore ee dadka badani ay dhimashada iyo dhaawaca kasoo gaartay ayaa sabab u ah baaritaannada laga wado gudaha magaalada Baydhabo, iyadoo la dayactirayo dhismaha xarunta Dahabshiil ee Baydhabo.

Qaraxii ka dhacay Baydhabo ayaa waxaa ku dhintey 12-qof oo shan ka mid ah ay  ahaayeen shaqaalaha shirkadda Dahabshiil, iyadoo magaalada ay soo gaareen xubno ka socda shirkadda Dahabshiil iyagoo u tacsiyeeyay ehelladii iyo qaraabadii shaqaalihii shirkadda ee ku dhintay qarxa.

Howlgalkan ayaa ah mid ciidamadu ay ku sugayaan amniga guud ee Baydhabo oo ay cabsi weyn lasoo daristay tan iyo markii uu dhacay qaraxa ismiidaaminta ah, kaas oo mas’uuliyaddiisa ay sheegtay Al-shabaab.

Taiyaha qaybta booliiska ee Baydhabo, Mahad Cabdiraxmaan oo howlgallada laga billaabay Baydhabo ka hadlay ayaa sheegay inay howlgaladu socon doonaan illaa la adkeeyo ammaanka Baydhabo, gaadiidka magaalada joogana loo sameeyo waraaq aqoonsi iyo in la ogaado qofka iska leh ama milkiilaha gaariga.

Dhanka kale, ciidamada AMSIOM ee ka socda Itoobiya ayaa maanta waxay saldhig ka sameysteen duleedka Baydhabo, gaar ahaan waddada aadda dhinaca Muqdisho, waxayna geeyeen madaafiicda goobta ee la yiraahdo 85 iyo madaafiic kale; iyagoo ka cabsi qaba in ay ciidamada Al-shabaab soo weeraraan Baydhabo , gebi ahaanna waxaa la adkeeyey ammaanka gudaha iyo agagaarka Baydhabo.

Hiiraan Online, Baydhabo