4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 17, 2014
Jaamacadda SIMAD oo furtay bandhigga Todobaadka Dhaqanka (SAWIRRO)


Sabti, May 17, 2014 (HOL) — Munaasabad lagu furayay toddobaadka dhaqanka oo lagu qabtay manta xarunta weyn ee jaamacadda SIMAD ayaa waxaa ka qayb-galay wasiirka hiddaha iyo tacliinta sare, abwaanno iyo fannaaniin Soomaaliyeed, qorayaal, waaliddiin, macallimiinta, maamulka iyo ardayda jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho.

Hormuudka xafiiska arrimaha ardayda ee jaamacadda SIMAD, C/raxmaan Axmed Muudeey oo hadal ka jeediyay furitaanka bandhiggan ayaa sheegay in ardaydu ay ku tartami doonaan ciyaaro, suugaan, Qur’aan Akhris iyo doodo dhexdooda ah, kuwaasoo socon doona muddo toddobaad ah, iyadoo guuleysatayaasa ay siinayso jaamacaddu abaal-marinno kala duwan.

Qaar ka mid ah ardayda jaamacadda ayaa ciyaaro dhaqameedka Soomaalidu kusoo bandhigay bandhigga, iyadoo fanaanadda weyn ee Hibo Maxamed Huddoon (Hibo Nuura) ay tix gabay ah oo ay uga hadlayso qiimaha dhaqanku ugu fadhiyo dadka Soomaalida. Waxayna dhanka kale ku baraarujisay maamulka jaamacadda SIMAD iyo ardayda isku howlay inay bandhigan qabtaan inay ku tartamaan dhaqankeenna suubban.

Guddoomiyaha ururka qalinleyda Soomaaliyeed, Maxamed Daahir Afrax oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in soo nooleynta dhaqanka iyo afka ay tahay arrin ay mas’uuliyadi ka saran tahay dhammaan inta wax baaratay, isagoo sheegay in ururkoodu uu ku howlan yahay sidii loo sameyn lahaa olole dib loogu xoojinayo afka Soomaaliga.

Guddoomiyaha Jaamacadda SIMAD, Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen(Odawaa) oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegay in ahmiyadda ay jaamacaddu sannad walba u qabato bandhigga Toddobaadka Dhaqanka uu yahay sidii lagu soo saari lahaa arday ka dhisan dhaqanka ummaddooda iyo cilmiga. Wuxuu xusay in tartamadani ay ka qaybqaadan doonaan xoojinta hal-abuurka ardayda iyo aqoontooda.

Odawaa ayaa sheegay in horumar la’aanta afka lasoo diristay muddada bur-burka iyo inuusan jirin manhaj af-Soomaali ah ay caqabad ku yihiin hannaanka waxbarasho ee dalka, isagoo dowladda iyo dadka afka yaqaanna ugu baaqay inay ka shaqeeyaan sidii lagu heli lahaa manhaj Soomaaliyeed oo wax lagu baro gabi ahaan ardayda Soomaaliyeed.

Wasiirka hiddaha iyo tacliina sare, Ducaale Aadan Maxamed oo hadal ka jeediyay munaasabadda furitaanka Toddobaadka Dhaqanka ee Jaamacadda SIMAD ayaa soo dhaweeyay tallaabadan ardayda lagu barayo dhaqankooda, isagoo intaas ku daray in wasaaraddu ay waddo dadaal xooggan oo gaba-gabo maraya kaasoo dib loogu xiijinayo doorkii dhaqanka iyo afka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay in shaqadaas adag ee dib loogu soo celinayo arimmo uu ku jiro manhajkii Af-Soomaaliga ay ka wada shaqeynayaan dowladda iyo hay’adaha waxbarashada oo ay ku jiraan jaamacadaha.  Wasiirka ayaa Jaamacadaha dalka ugu baaqay inay maaddooyinka ay bixinayan ku daraan afka Soomaaliga.

Jaamacadda SIMAD ayaa bandhiggan qabatay markeedii shanaad, iyadoo ay ka qayb-galaan dhammaan ardayda wax-ka-barta jaamacadda. Waa bandhig ay ardayda jaamacaddu ku tartamaan dhaqanka iyo cilmiga, iyadoo ay jaamacaddu abaal-mariso ardayda guuleysata.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya