4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 17, 2014
Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee PL oo xukun ku riddey 14 askari

Sabti, May 17, 2014 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland - laanteeda gobollada Bari, Karkaar iyo Sanaag-  ayaa maanta xukun ku riddey 14 askari oo ka tirsan ciidamada badda ee Puntland.

Askarta la xukumay oo dhammaantood hoos taga taliska ciidamada badda ee degmada Qaw, waxaa lagu soo eedeeyey dembi ah in taariikhdu markii ay ahayd April 31, 2014,  ay gadood iyo amar diido sameeyeen.

Guddoomiyaha maxkamadda C/fataax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay xukunka, wuxuuna sheegay in 14-ka askari midkiiba lagu ridey xukun ay muddadiisu tahay shan sano, islamarkaana ay haystaan muddo 30 beri ah si xukunka ku dhacay ay rafcaan uga qaataan.

 “Maxakamaddu markii ay dhegeysatey eedda xafiiska xeer ilaalintaka…difaaca qareenka…iyo qiraalka ay eedeysaneyaashu sameeyeen..maxakamaddu waxay ku xukuntay mikiiba shan sano oo xarig ah..." C/fataax Xaaji Aadan taliyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Puntland ayaa sidaas yiri.

Dhan kale, waxaa maanta dib loo dhigay kiis kale oo maxkamadda la hor keenay, kaas oo ahaa dad ku eedeysan labo gaari oo nooca xumuulka qaada ah oo bishii August ee sanadkii hore lagu gubey tuulada Yalho oo qiyaastii 50km magaalada Boosaaso koonfurta kaga beegan.

Kiiskaas oo 15 qof lagu soo eedeeyey inay ku lug lahaayeen, haseyeeshee saddex kamid ah ay ciidamadu gacanta kusoo dhigeen, waxay maxkamaddu u fariisan doontaa maalinta berri ee ay taariikhdu ku beegan tahay May 18, 2014.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya