4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 17, 2014
Wasiirka Warfaafinta oo ka War-bixiyay Xaaladda uu Dalku ku sugan yahay


Sabti, May 17, 2014 (HOL) — Wasiirka warfaafinta Somalia, Mustaf Sh. Cali Dhuxuloow oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda uu dalku ku sugan yahay, isagoo sheegay in xukuumadda ay ka go’an tahay sidii ay uga miro-dhalin lahayd inay dalka ka dhacaan doorasho marka la gaaro sannadka 2016-ka.

Dhuxuloow ayaa shirkiisan jaraa’id ku sheegay in afartii bilood ee lasoo dhaafay ay ciidamada dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM ay toban magaalo kala wareegeen Al-shabaab, shacabka deegaannadaas ku noolna nabad ayay ku nool yihiin hadda. Xukuumadda iyo Midowga Yurubna waxay si guul leh hoos ugu dhigeen 95% falalkii burcad-badeedda.

“Xukuumaddu waxay meel-marisay xasilloonida Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka. Waxaan sidoo kale gargaar bani’aadamnimo gaarsiinnay deegaannadii laga saaray Al-shabaab, sidaa daraadeed dadku waxay qayb ka qaadanayaan horumarka dalka. Waxaana deegaannadaas ka hirgelinnay saldhigyo booliis iyo maxkamado. Dadkuna waxay ka tashanayaan aayahooda, sida in doorashooyin la qabto sannadka 2016-ka,” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu xusay in xukuumaddu ay dhistay maareynta dhaqaalaha, si ay maal-gashadayaasha ay ugu dhiirran lahayeen inay dalka maal-gashi ku sameystaan. Waxaana la magacaabay maamulka bankiga dhexe ee Soomaaliya, taasoo horseed u noqotay in bankiga calaamku uu taageero Soomaaliya.

Wasiirka warfaafinta oo ka hadlayay weerarkii ka dhacay Baydhabo ayaa yiri: “Si aad ah ayaan uga xunnahay qaraxaas, waxaana tacsi u diraynaa ehelladii ay ku dhibteen kuwii ay jeclaayeen. Waxaana Alle uga baryaynaa kuwa dhaawacmay inuu caafimaad deg-deg ah siiyo. Xukuumaddu waxay magaalada Baydhabo u dirtay diyaarad soo qaada dhaawacyada aadka u daran si Muqdisho daweyn loogu sameeyo.”

Mar uu ka hadlay abaaraha dalka ka jira ayuu yiri: “Waxaan ku celinayaa inuu ra’iisul wasaaraheennu uu ugu baaqay Soomaalida iyo saxiibbadeen inay dhaqso gargaar ula gaaraan dadka ay saameynta ku yeesheen abaarahaas.”

Ugu dambeyn, Dhuxuloow ayaa uga mahadceliyay dhallinyarada Soomaaliyeed dabaal-dagga sannadguuradii 71-aad ee kasoo wareegtay markii la aasaasay ururkii gobonimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL, isagoo sheegay in dhallinyarada hadda joogta laga doonayo inay dalka ku hagaan wanaag la mid ah kii ay 13-kii dhallinyaro ku hageen dalka Soomaaliya oo ahayd inuu dalku xor noqdo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya