4/16/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 17, 2014
SHEEKH CALI DHEERE: Kenya waan uga aargudaynaa dhibaateynta Somalida


Sabti, May 17, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa hanjabaad u jeedisay mar kale dowladda Kenya oo ay ciidammo ka tirsan AMISOM kaga sugan yihiin Soomaaliya, iyadoo hanjabaaddan ay imaanayso xilli ay dalkaas ka jiraan falal ammaan-darro oo ka dhacaya.

Afhayeenka Al-shabaab, Sheekh Cali Dheere ayaa sheegay in Kenya markii ay Soomaaliya soo galaysay iyo markii duqaymaha ay ka geysan jireen goobaha ay Al-shabaab maamusho ay ku faraxsaneyd; isagoo xusay inay dhankooda hadda ku faraxsan yihiin xasuuqa ay ka geysanayaan Kenya.

“Markii aad dalkeenna soo galayseen oo aad duqeynayseen goobaha ay gacanta ku hayaan mujaahidiinta aad ayaad ugu faraxsanaydeen, innaguna hadda ayaan ku faraxsannahay dhibaatada ka dhacaysa dalkiinna,” ayuu Sheekh Cali Dheere ku yiri hadal uu siiyay warbaahinta Al-shabaab.

Hajabaadda Al-shabaab ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Kenya ka dhaceen toddobaadyadii ugu dambeeyay qaraxyo khasaare nafeed geystay, kuwaasoo ay ugu dambeeyeen laba qarax oo Jimcihii shalay, kuwaasoo ay ku dhinteen 13-qof ayna ku dhaawacmeen 80-qof oo kale.

“Kenya haddii ay dhibaato ku hayso shacabkeenna innaguna waxaan dhibaateynaynaa kuwooda taas ha ogaadeen madaxda Kenya,” ayuu mar kale yiri Sheekh Cali Dheer oo intaas ku daray in weerarrada Kenya ay ka geysanayaan ay sii socon doonaan.

Al-shabaab ayaa horay ugu baaqday in Kenya ay ciidamadeeda kala baxdo dalka Soomaaliya haddii ay doonayaan inay nabad helaan, balse madaxda dalka Kenya ayaa diiday, iyagoo sheegay inay ciidamadoodu joogayaan Soomaaliya illaa laga tirtirayo Al-shabaab, gobolkuna uu nabad ka noqonayo.

Xukuumadda Kenya ayaa dhamamadkii sannadkii 2011 waxay kumannaan ka mid ah ciidamadooda u soo direen Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab, inkastoo ay markii dambe ciidamadan ku biireen howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya