4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 17, 2014
Danjire Nicholas Kay oo Maanta Booqday Magaalada Jowhar (SAWIRRO)


Sabti, May 17, 2014 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee Arrimaha Somalia Danjire Nicholas Kay iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar oo ah xaurnta gobolka Shabeellada dhexe, isagoo kulammo la qaatay maamulka degmadai yo kan gobolka.

Danjire Kay iyo xubnaha uu la kulmay ayaa kawada hadlay sidii loo caawin lahaa dadka ku sugan gobolkaas ee ay saameynta xooggan ku yeesheen fatahaadihii ku dhuftay tuulooyinka ku dhow degmada Jowhar sannadkii hore.

Kulanka ayaa ahaa mid ay dhinacyadu aragtiyo kala duwan isku dhaafsadeen, iyadoo mas’uuliyiintii uu la kulmay ergayga waxay ku dhaliileen in Qaramada Midoobay aysan waxba u qaban shacabka gobolka.

Gobolka Shabeellada Dhexe oo ka mid ah gobollada ugu barwaaqo badan dalka ayaa waxaa sannadkii hore ku dhuuftay fatahaado ka dhashay webiga Shabeelle oo butaacay, fatahaaddaas oo sababay khasaare nafeed iyo mid maaliyadeed.

Fatahaadahaas ayaa waxay sababeen in kumannaan qof ay ka barakacayaan in ka badan 30-tuulo oo hoostaga degmada Jowhar, waxaana soo wajahay xaalado nololeed oo aad u daran, inkastoo ay caawiyeen hay’ado maxalli ah.

Booqashada danjire Kay ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo uu ku tago Jowhar tan iyo markii xilka loo magacaabay sannadkii hore, iyadoo aysan jirin weli war kasoo baxay xafiiska ergayga oo ku saabsan booqashadiisa Jowhar.

Ammaanka magaalada Jowhar ayaa aad loo adkeeyay tan iyo xalay iyadoo hakad la geliyay isku socodka dadka, gaadiidka iyo ganacsiga, waxaana dadka ku nool degmadaas ay si weyn u soo dhaweeyeen danjire Kay iyo wafdigiisa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya