4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 17, 2014
Dadweynaha Somalinad oo si Weyn ugu Diyaar-garoobaya Xuska 18-ka May


Sabti, May 17, 2014 (HOL) — Dadweynaha Somaliland ayaa si weyn ugu diyaar garoobay xuska  sanad guuradda 23aad ee ka soo wareegtay gooni isku taaggii Somaliland ee 18 may oo ah maalintii magaalada Burco lagaga dhawaaqay inay Somaliland ka go’day Somalia inteedda kale 1991-kii.

Maamuladda gobolada, degmooyinka iyo dadweynaha oo iskaashanaya ayaa wadda qabanqaabadda xuska maalintan, taas oo magaalo waliba gaarkeedda isku abaabulayso, islamarkaana mid waliba ta kale la tartamayso.

Goleyaasha deegaanka ee magaalooyinka waaweyn oo u badan dhalinyaro ayaa iyagu si ka duwan qaababkii hore loogu xusi jiray u xusaya, iyagoo amar ku soo rogay meheraha ku yaalla wadooyinka hareerahooda inay sudhaan calanka Somaliland, habeenkiina ku xidhaan laydhadhka midabada kala duwan leh si bilicda magaaladdu qurux badnaato.

“Dhamaan ganacsatada suuqyada waawayn ee meheradaha kusoo jeeda leh laamiyada waawayn inaad sudhaan astaanta Somaliland,kuna xidhaan laydh ka turjumay maalinta qaran ee 18-ka may, meherada aanu ka wayno calanka waxaanu ka qaadi doonaa liisanka ganacsi mana ogolaan doono meherada aanu sudhnayn calanka Somaliland,” ayuu yidhi maayir ku xigeenka magaaladda Hargeysa C/casiis Maxamuud Xaashi. Waxaanu intaas ku daray “Guryaha iyo xaafadahana waxaan usoo jeedin lahaa in ay xaafada waliba qashinka iska horgurto calankana ku xidhaan guryahooda”.

Sidoo kale, waxay kulamo la yeesheen iskaashatooyinka kala duwan ee Hargeysa, kuwaas oo mid waliba soo bandhigtay waxay kaga qaybgali doonto maalintaasi iyo sida ay u diyaar garoobeen.

Dhinaca kale, dhismayaasha wasaaradaha Hargeysa ku yaal ayaa ku tartamaya qurxinta iyo nashqadeynta wasaaradahoogii oo habeenkii ay ku xidheen laydhadh aad u qurux badan, isla markaana si fiican indha usoo jiidanay.

Laydhadhkan oo qaabab kala duwan loogu xardhay ayaa qaar loo eekaysiiyey doonyo halka qaarkood kubaddo laga dhigay, taas oo habeenkii la moodo marka aad agmarayso inaad caalam kale oo aan Hargeysa ahayn dhex joogto, waxaanay taasi sababtay inay dadweynuhu usoo daawasho tagaan qaarkoodna sawiro ku galaan wakhtiyadda habeenkii, maadaama oo ay u eeg tahay goobo dalxiiso loogu tallogalay.

Wasaaradda u dhow dhow madaxtooyadda sida Wasaaradda Dhallinyarada ciyaaraha, Maaliyadda, Xanaanadda xoolaha, Waxbarashadda, Arrimaha gudaha, Wakaaladda Biyaha iyo Madaxtooyada ayaa si farshaxnimo leh loogu jarjaray laydhadh u eeg calanka Somaliland, isla markaana loo dhigay qaab iftiin iyo soo jeedashaba leh.

Sidoo kale, badhtamaha suuqa ayaa laga dareemaya sawaxan iyo xidhiidhi sida looga bartay wakhtiyada Ciidda , waxaana dhamaan suuqa hareerahooda lagu dhisayey maryo laga sameeyey calanka oo loogu talogalay inay dadku xidhaan, kuwaas oo iskugu jira Toobabka noocyadooda kala duwan, surwaaladda iyo shaadhadh iyo waliba dharka caruurta, iyagoo qoysaskooda ay caruurtku ku qasabtay in loo iibiyo dhawr iyo astaamaha calanka, waxanay taas suuq u sii badisay ganacsatada ka ganacsatada astaamaha iyo maryahaha calanka laga sameeyo.

“Caruurtii baanu khaatiyaan kala taaganahoo maalin walba waxay igasugayaan in loo soo iibiyo dhawr laga sameeyey Calanka waxaanay arkayaan caruur la mid ah oo loo soo iibiyo, waxaanay waajib nagaga dhigeen in calan iyo dhawrba usoo iibino”ayuu yidhi Cabdiqaadir Axmed Cabdi oo ka hadlayey dalabka caruurta ee  ku aadan in loo soo iibiyo dhar laga sameeyey calanka Somaliland.

“Markay khaatiyaan iga dhigeen ee oohin ka bixi waayeen ayaan usoo iibiyey calamo, marka imika qoysaskii waxa ku soo kordhay kharash dheeraad ah oo ay caruurtku ku kalifayso”ayey tidhi Hooyo Nimco Maxamed.

Axmed Muxumed jicsin oo ka mid ah dhalinyaradda ka baayacmushatareeya astaamaha qaranka iyo karamadda lagu qoro astaamaha iyo sawiradda madaxweyneyaaaasha ayaa sheegay in toddobaadyadii u dambeeyey aanay habeen iyo maalin nasan, isla markaana safaf loogu jiro dalab-yadda qalabkan ay iibiyaan, waxaanu yidhi “labaddii toddobaad ee u dambeeyey waxaanu kala horaynay dadweynaha naga dalbanaya garamadda laabta ay kaga qorantahay astaanta qaranka iyo sawiradda madaxweynayaashii soo maray iyo astaamaha kale ee calanka oo siyaabo kala duwan loo sameeyey, kuwo baabuurta lagu dhajiyey iyo  kuwo la sudhaba, isagoo yiri ”Waxa iyaduna xusid mudan in guryaha dhaadheer ee fooqyadda loo yaqaan ee ka ag dhow suuqyada la sudhay calanka Somaliland oo dhererka dhismaha lagu sargooyey, taas oo quruxdii dhismaha macno balaadhan iyo in indhaha dadweynuhu ku bataan u soo jiiday.”

Sidoo kale, gaadiidkii ayaa lagu wada xidhay calamo iyo istiikaro ay ku sawiran yahay astaamaha qaranka, kuwaas oo ay ka baxayeen heeso wadaniya oo loogu dabaaldegayo maalintan.

Si kastaba ha ahaatee, sanadkan ayaa dadweynuhu si weyn ugu diyaar garoobayaan dabaal dega sanad guuraddda 23 aad ee madax banaanidda Somaliland, waxaana dhaqaale fiican ka soo galeen meheradda iibiy astaamaha iyo kuwo tollo dharka calanka.

Sidoo kale, waxa iyaguna  ciidanka amniga ayaa si weyn u adkeeyey amniga magaaladda Hargeysa, iyagoo aad habeenkii aad arkaysid baabuurta noocyadooda kala duwan oo aad loo baadhayo, isla markaana ciidanku aad ugu foojigan yihiin ilaalinta amniga dalka.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland