4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 17, 2014
Qaar ka mid ah Agaasimayaasha Wasaaradaha oo Maanta Tababbar loo furay


Sabti, May 17, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Somalia, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta siminnaar ugu furay kuliyada booliiska Jen. Kaahiye 80 ka mid ah agaasimayaasha wasaaradaha xukuumadda.

Siminnaarkaan qabashadiisa waxaa iska kaashanaya wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha, AMISOM iyo machadka tababbarada ee Uganda, iyadoo ujeedkiisu yahay sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta iyo xirfadaha shaqaalaha kala duwan ee wasaaradaha.

Sarkaal u hadlay magaca AMISOM ayaa sheegay ujeedka siminaarkani yahay sidii aqoonta agaasimayaasha wasaaradaha xukuumadda kor loogu qaadi lahaa, isagoo yiri: “Ma ahan markii ugu horreysay ee AMISOM tababar siiso shaqaalaha kala duwan ee wasaaradaha iyo laamaha kale ee dawladda, kani ma noqon doono midkii ugu dambeeyay ee wuxuu sii xoojin doonaa naguna dhiirri-gelin doonaa inaan gacan siino walaalaheenna Soomaaliyeed, ujeedka aan siminaarkan maanta u qabanay waa in kor loogu qaado aqoonta agaasimayaasha wasaaradaha si ay u gutaan waajibaadkooda shaqo.”

Wasiirka shaqada iyo shaqaalaha Inj. Luqmaan oo furitaanka siminaarka hadal ka jeediyay ayaa ugu mahadceliyay AMISOM iyo guud ahaan cid walba oo gacan ka geysanaysa kor u qaadida xirfadaha shaqaalaha, isagoo xusay in siminaarkan wax badan uu kusoo kordhin doono aqoonta iyo kartida shaqaalaha dowladda.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed oo gabagebadii hadal ka jeediyay furitaanka siminnaarka ayaa ku dheeraaday baahida loo qabo aqoonta shaqaalaha kala duwan ee dawladda in kor loo qaado, wuxuuna uga mahad-celiyay wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha iyo AMISOM sida ay xilka isaga saarayaan aqoonta shaqaalaha xukuumadda Soomaaliya.

“Tababbarkaan maanta loo furayo hawl-wadeenada sare ee maamulka dawladda, wuxuu ku fadhiyaa qiimo aad u weyn; waxaana kasoo kabanaynaa labaatan iyo dhawr sano oo bur-bur ah, tababbarkaan wuxuu muhiim u yahay bilowga Soomaaliyada cusub oo ku dhisan shaqo iyo fikrad lagu horumaro, adduunka maanta waa shaqo iyo shaqaale,” ayuu yiri ra’iisul wasaare Cabdiwali.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in xukuumadda Somalia ay sare u qaadi doonto fursadaha shaqo ee ay bixiso dawladda, isla markaana la gaarsiin doono guud ahaan dalka si ay uga faa’iideystaan dhallinyarada Soomaaliyeed ee wax-baratay.

Ugu dambayn, C/weli Sheekh Axmed ayaa booqday goob lagu tababarayay qaar ka mid ah ciidamada booliska Soomaaliyeed, wuxuuna kula dar-daarmay inay si fiican tababarka u qaataan, iyadoo looga fadhiyo sugidda ammaanka dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya