4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 17, 2014
Baarlamanka oo isku raacay in heshiiskii Favori dib loogu cedliyo Xukuumada


Sabti, May 17, 2014 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta u codeeyay heshiiskii shirkadda FAVORI LLC ee maamusha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, iyadoo mudanayaashu ay isku raaceen in dib loogu celiyo heshiiskaas xukuumadda.

Dood ay xildhibaannadu ka yesheen kaddib ayaa waxay ugu dambeyn u qaadeen cod, iyadoo 120-xildhibaan oo ka mid ahaa 139 mudane oo kulanka goobjoog ka ahaa in heshiiskan dib loogu celiyo xukuumadda Soomaaliya si ay dib u eegis ugu sameyso.

Guddoonka baarlamaanka ayaa codeynta kaddib sheegay in heshiiskan dib loogu celinayo xukuumadda si ay dib u eegis ugu sameyso, waxaana doodda heshiiska ay socotay muddo toddobaadyo ah.

Xildhibaannadii ka hadlay heshiiskan ayaa waxay qaarkood sheegeen inaan lagu fududaan in shaqada ay shirkaddan ka hayso garoonka diyaaradaha laga joojiyo, balse loo baahan yahay in xukuumadda lagu celiyo, halka kuwo kalena ay soo jeediyeen in shaqada oo dhan laga joojiyo, heshiis cusubna ay gasho.

Shirkadda FAVORI LLC oo laga leeyahay dalka Turkiga, ayaa lagu wareejiyay maamulka garoonka diyaaradaha Muqdisho bishii September ee sannadkii hore, iyadoo howsha kala wareegtay shirkad kale oo ka horreeyay oo lagu magacaabi jiray SKA AIR & LOGISTIC oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Madaxa shirkadda FAVORI ayaa sheegay markii ay howsha la wareegayeen inay dib u dhisayaan garoonka diyaaradaha Muqdisho oo ay ka dhigayaan mid la mid ah garoommada diyaaradaha ee caalamka.

Heeshiiska ay shirkaddan ku howlgalayso ayaa waxaa la gashay xukuumaddii ka horreysay middan ee uu hoggaaminayay, Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) oo ay xildhibaannada baarlamaanku kala laabteen dhammaadkii sannadkii hore.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya