4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 17, 2014
Guddoomiyaha Machadka ISOS oo HOL uga warramay xaaladda dhallinyarada


Sabti, May 17, 2014 (HOL) — Iyadoo ay maalin ka hor ku beegnayd 15-ka May oo ahayd maalintii la aasaasay ururkii SYL oo ay ku bahoobeen dhallinyaro Soomaali ah ayaa oo horseed ka noqday xorriyadda Soomaaliya, ayaa waxaa inoo suuro-gashay inaan wareysi ku saabsan xaaladda dhallinyarada Soomaaliyeed ay ku sugan yihiin maanta la yeelanno guddoomiyaha Machadka Daraasaadka Somalia oo magaciisa loosoo gaabiyo (ISOS), kana tirsan Jaamacadda Muqdisho, Mustafa C/llaahi Fayruus.

Haddaba, wareysigan ayaan qaadnay, kaddib markii mahadku ISOS uu qabtay kulan looga hadlayay mustaqbalka dhalinyarada Soomaaliyeed, wuxuuna wareysigu u dhacay sidan:

HOL: Aqoon-is-weydaarsigani wuxuu ku saabsanaa dhallinyarada; marka hore dhallinyaro yaa loola jeedaa, da’d ahaan?

MUSTAFA: Qofku wauxuu maraa saddex marxaladood oo kala ah: caruurnimo, dhallinyaronimo iyo qof weyn. Dhallinyaronimadu waa marxaladda dhexe ee qofku marayo, marka uu carruurnimo kasoo gudbo.

HOL: Waa da’dee marxaladdda dhallinyaranimadu?

MUSTAFA: Dunidu waa lagu kala duwan yahay sannadka ay dhallinyaranimadu ka bil-laabato iyo sannadka ay ku dhammaato. Ururka Midnimada Afrika ee AU dhallinyaro waa da’da u dhaxeysa 15 illaa 35 sanno, halka UN-ku ka yahay  15 illaa 24 sanno, dalalkuna mid walba da’ buu leeyahay. Daraasaddii hordhaca ahayd ee aqoon-is-weydaarigan da’da aan doorannay waxay ahayd 14 illaa 29 sanno jir, waa da’da lagu adeegsaday warbixinta “Somalia Human Development Report 2012”.

HOL: Waxaa la yiraahdaa bulshadu dhallinyaro ayay u badan tahay. Soomaaliya bulshada intee dhallinyaro ah?

MUSTAFA: Soomaaliya waxaa lagu qiyaasay in 42% ay yihiin dhallinyaro da’ ahaan u dhexeeya 14 illaa 29 sanno, waxaana la filayaa in mustaqbalkana lambarkaasi sare u sii kici doono, iyadoo kororkaas lala qabo guud ahaanba Qaaradda Afrika.

HOL: Oo ma Afrika keliya ayaa tirada dhallinyaradeedu sare u kaceysaa? Qaaradaha kale miyayna kordhayn?

MUSTAFA: Sida la saadaaliyay, Afrika waa Qaaradda keliya ee garaafka tirada dhallinyaradu sare u soconayo qarnigan 21-aad. Qaaradaha kale garaafkaasi sare uma socdo.

HOL: Waa maxay dhibaatooyinka iyo culaysyada haysta dhallinyaradeenna?

MUSTAFA: Run ahaantii, dhallinyarada Soomaaliya waxaa haysta dhibaatooyin badan. Waxay ka tirsan yihiin ummad dagaalo sokeeye halakeeyeen. Waxay ku nool yihiin dal ay muddaba deegenaansho la’aani ka jirtay, ayna haystaqan qaar ka mid ah dhibaatooyinka ugu culus, sida dhibaatooyin, kuwo siyaasadeed, kuwo amni iyo kuwo bulsho. Dhibaatooyinkaas way wada haystaan guud ahaan dadka, dhallinyarada saameyn gaar ah ayay ku leeyihiin, waayo waxay ka mid yihiin qaybaha bulshada ee dhibaatooyinka u nugul.

HOL: Xagga waxbarashada ka warran?

MUSTAFA: Waxbarashadu waxay ka mid tahay meelaha dhaawaca weyni ka haysto dhallinyarada Soomaaliya. Sannadkii 2012-kii, 10qof oo dhallinyaro ah oo kasta waxaa lagu qiyaasay in shan ka mid ahi aanay waxna qori karin, waxna akhrin karin. Waxaaba ka maqan alif-beetadii intaan cilmi kale la gaarin!

HOL: Waa dhibaatadii burburka xukuumaddii dhexe ee Soomaaliya ka dhalatay, sow maaha?

MUSTAFA: Hoos-u-dhaca tacliintu aad buu uga horreeyay burburkii xukuumadda dhexe ee dhacay sannadkii 1991-kii. Sannadkii 1980-kii iyo wixii ka dambeeyay taciinta Soomaaliya garaafkeedu hoos ayuu u socday tiro iyo tayaba; Tusaale ahaan waxbarashada asaasiga ah, sannad kasta waxaa xirmayay ilaa 50 dugsi Hoose/Dhexe ah, tirada ardayduna waxay hoos u dhacaysay ilaa 15-kun arday. Tacliintu waxay meeshii ugu hoosaysay gaartay billowgii sagaashamaadkii, qiyaastayda sannadkii 1992-kii ayay ugu hoosaysay, deedna 1993-kii ayay billaabantay inay si tartiib-tartiib ah u soo noqoto.

HOL: Hadda illaa heerkee ayay waxbarasho soo gaartay?.

MUSTAFA: Laga soo billaabo 1993, labaatankaa sannaba tacliintu si tartiib-tartiib ah ayay u soo kabanaysay; haddana weli aad bay u yar tahay. Da’da ay tahay inay iskuul dhigtaan, waxaa lagu qiyaasaa in 42% ay iskuul ka dhigtaan; yacni tobankiiba afar keliya ayaa iskuul hela, lixda kale bannaanka ayay iska joogaan. Run ahaan, waa dhibaato aad u weyn.

HOL: Waxbarasho la’aantu qofka dhibaato weyn ayay ku tahay?

MUSTAFA: Qofka keliya uun dhibaato kuma ahan ee bulshada oo dhan ayay dhibaato ku tahay. Tacliin la’aantu waxay leedahay dhibaato bulsho, mid dhaqaale, mid siyaasadeed, mid amni. Sideedaba waxaa la yiraahdaa qofku oo dhallinyaradu u horreyso - raasamaal waxtar ah ama dhibaato iyo culays ayuu bulshada ku yahay. Qofka dhallinyarada ah ee aan waxbarasho fursad u helin ama aan shaqo haysan, isna waa dhibaataysan yahay, bulshada kalena culays iyo dhibaato joogto ah ayuu ku yahay.

HOL: Xagga shaqada ka waran. Sidee dhallinyarada Soomaaliya shaqo u helaan?

MUSTAFA: Meeshii la fiiriyaba meesha kale ka daran. Shaqo la’aantu aad bay ugu baahsan tahay Soomaaliya. Dhallinyarada waxaa lagu qiyaasaa in 68% shaqo la’aan yihiin! Yacni tobankii dhallinyaro ahba toddobo ka mid ahi waa shaqo la’aan! Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha ugu xun dunida ee shaqo la’aantu ka jirto!!

HOL: Shaqo la’aantu, iyadu culays intee le’eg ayay qofka dhallinyarada ah ku haysaa?

MUSTAFA: Dhibaatooyin dhinacyo badan ah ayay qofka iyo bulshada ku haysaa. Qofka dhallinyarada ahi uma adkaysan karo shaqo la’aanta. Wuxuu ku caroon nolosha! Meelaha shaqo la’aantu aad u sarayso waxaa ku bata dambiyada, qul-qulatooyinka siyaasadeed, tahriibka iyo waxyaabo kale. Markii shaqo shariif ah la waayo - waxaa dhacda in dadka qaar u ciirsadaan shaqooyin aan nadiif ahayn.

HOL: Hijrada ama tahriibka ayaad carrabka ku dhufatay. Ma shaqo la’aantaa keenta?

MUSTAFA: Tahriibka dhowr sababood ayaa keeni kara, shaqo la’aantu waa ka mid, waxaa kaloo ka mida colaadaha iyo abaaraha. Xilliga colaaduhu bataan hijrada iyo tahriibku waa kordhaan; haddii xaaladdu deggen tahay shaqo la’aantuse badan tahay, iyadana tahriibka iyo hijradu waa bataan. Qofka dhallinyarada ahi wuxuu ku hamiyayaa nolol u qalanta iyo mustqbal fiican. Daraasad dhawaan la sameeyay waxaa kasoo baxay in 67% dhallinyarada Soomaaliya joogta jeclaan lahaayeen inay dalka isaga tagaan oo meel dhaanta aadaan! tobankii dhallinyaro ahba qiyaastii toddobo ka mid ah ayaa tahriib ku hammiyaya! Waa tiro aad u saraysa!

HOL: Haddaan fursadda aadno, maxaa fursad ah oo dhallinyaradu haystaan?

MUSTAFA: Run ahaantii, fursadda ugu weyn ee dhallinyaradu haystaan waa dhallin-yaranimada lafteeda. Marxaladda dhallinyaranimadu waxay leedahay xoog iyo caafimaad, maskax furnaan IWM. Taa ka sokow, dhallinyarada maanta joogta Somalia waxay haystaan fursado aan la haysan labaatankii sanno ee u dambaysay. Soomaaliya xaaladda guud way kasoo raynaysaa, waxbarashadu way soo kordhaysaa, maamulo ayaa soo hanaqaadaya. Aan soo xigto siday marxaladda la marayo u sifaysay Naadiya oo ka mid ahayd dhalinyaradii aqoon-is-weydaarsiga kasoo qayb-galay oo tiri: “Waan kasoo gudubnay holacii ama ololkii, hadda waxaan maraynaa qaac ama qiiq, waxaa xigaaba waa dambas iyo dhibaatada oo danta!”.

HOL: Tiknoloojiyada casrigu fursadaha maxay ku kordhin kartaa?

MUSTAFA: Internet-ka iyo tiknoloojiyada cusubi waa fursado qiimo leh, marka sida saxda ah looga faa’iidaysto. Waxbarashada kaalin fiican ayay ka qaataan. maktabadihii burburay Soomaaliya weli laga soo kaban. Baahida buugaagta ee ardayda, siiba ardayda heerka jaamacadeed, waxaa qayb baahidaas ah buuxiya Internet-ka iyo “digital library”.

HOL: Aqoon-is-weydaarsiga maxaa kasoo baxay oo dhallinyarada wax-tar u leh mustaqbalkooda?

MUSTAFA: Dhallinyaradu aqoon-is-weydaarsigan talooyin badan ayay isku dhaafsadeen; talooyinka mugga leh ee aan hoosta ka xarriiqayo waxaa ka mid ah: inaysan caqabadaha isku dhiibin ee ka shaqeeyaan sidii ay ula lag-dami lahaayeen. Xagga fursadahana, lagu baraarugo, lagana faa’iidaysto oo aan la dayicin. Qof kasta oo dunida jooga waxaa haysta caqabado, waxaana ag yaalla fursado, isagaana laga rabaa inuu caqabadada haysta la lag-damo, fursadahana ka faa’iidaysto.

HOL: Waa talooyin fiican. Maxaad ku dari lahayd?

MUSTAFA: Markii dhibaato dhacdo waxaa bata quusta. Dhallinyarada meel kasta oo ay joogaanba waxaan kula talin lahaa inay iska yareeyaan calaacalka oo aanu waxba kala tegin. Quustuna mustaqbalka ayay kaa fariisinaysaa. Qof kasta oo dhallinyaro ah waa inuu dantiisa daryeelaa, danta guudna kaalin ka gaystaa. Horaa loo yiri: Qofkii tiisa daryeelaa ayaa tu kalena ku dara!

HOL: Aqoon-is-weydaarsigan ka qaybgalayaashu waa wada dhallinyaro. Muxuu machadku dhallinyaro keliya ku doortay? Dadka waaweyn ee waayo-aragnimada lahaa maxaad uga tagteen?

MUSTAFA: Dhallinyaradu waa xaadirka iyo mustaqbalka ummadda. Sidaas darteed, siyaasadaha machadku ku shaqeeyo waxaa ka mid ah in dhallinyarada la dhiirri-geliyo, kaalintoodana lasoo kobciyo. Tusaale ahaan, shircilmiyeedkii u dambeeyay ee machadku qabtay bishii hore, aqoonyahannada waxay kasoo jeediyeen qoraal-cilmiyeedyo, kala bar waxay ahaayeen dhallinyaro, qoraal-cilmiyeedkoodana waa la ammaanay, qaarkoodna machadku wuxuu ku talo jiraa inuu daabaco. Shircilmiyeedka cinwaankiisu wuxuu ahaa “Dhibaatada Xaalufinta Dhirta Soomaaliya: Sababaha - Natiijada - Xalka” ama “Deforestation Problem in Somalia: Causes .. Impacts .. Solutions”. Waa in dhallinyarada la dhiirri-geliyaa, kartida ku jirtana fursad ay kusoo bandhigaan la siiyaa. Aqoon-is-weydaarsigan dhawr khabiir oo waayo-arag ahi waa joogeen, iyaguba dhallinta cuslaatay uun bay ahaayeen; goobtase waxay u joogeen inay dhegaystaan fikradaha iyo talooyinka dhallinyarada.

HOL: Sideed ku qiimeyn lahayd dhallinyaradu siday uga qayb galeen aqoon-is-weydaarsigan?

MUSTAFA: Si firfircoon ayay uga qaybgaleen. Fikrado iyo biseyl ayay muujiyeen, hab qurux badanna way ku cabirayeen. Waxyaabihii aadka ii soo jiitay waxaa ka mid ahaa, markii laga hadlayay fursadaha. Deeqa Macalin waxay ka hadashay aaya-xumida ka dhalata fursadaha oo aan laga faa’iidaysan; qodobbadii ay soo jeedisay dhammaantood waxay kusoo xirtay gabaygii Xaaji Aadan Af-Qallooc (IHN) ee ahaa. “Ummaddaan shabaabkeedu hanan, waw ayaan-xumo e”; aad baa loola dhacay, looguna sacbiyay! Runtii dhallinyaradu ma kala dhacayn ee waa tusaale uun.

HOL: Mudane guddoomiye, warbixin kooban machadkan naga sii? Maxaase loola jeedaa (ISOS)?

MUSTAFA: Institute for Somali Studies (ISOS) ama Machadka Daraasaadka Soomaalida, waa xarun cilmi-baariseed oo ka tirsan Jaamacadda Muqdisho. Waxaa loo aasaasay daraasaadka iyo cilmi-baarista Soomaaliya iyo guud ahaanba Geeska Afrika. Waa madal aqoonyahanka iyo waxgaradka isku dhaafsadaan cilmiga iyo waayo-aragnimada. Run ahaantii, machadku waa tallaabo wax-ku-ool ah, laakiinse baahida ka jirta cilmi-baarista Soomaaliya aad bay u ballaaran tahay, wayna mudan tahay in dadaal badan la geliyo.

HOL: Ugu dambayn, guddoomiye, waxaan kaaga mahdnaqaynaa wareysigaagan. aad baad u mahadsan tahay!

MUSTAFA: Idinkaa mudan! Hawsha aad haysaanna ku mahadsan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya