4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 17, 2014
Al-shabaab oo go’doomisay degmada Xudur iyo xaalad Nolol-xumo oo ka jirta

Sabti, May 17, 2014 (HOL) — Xarakada Al-shabaab ayaa xoojisay go’doominta degmada Xudur ee gobolka Bakool, iyadoo shacabka degmadaas ku nool ay ka cabanayaan raashin xumo ka jirta degmadaas.

Mid ka mid ah shacabka ku nool degmada Xudur oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay inaysan jirin wax raashin ah oo degmada soo gala, ayna jiraan xaalado bani’aadamnimo oo aad u daran.

“Degmada ma jiraan wax raashin ah oo soo galay muddo saddex bilood ah, xaalad aad u xun ayaana degmada ka jirta, dadku ma haystaan raashin iyo biyo, runtiina lama qiyaasi karo xaaladda degmada ka jirta,” ayuu yiri Salmaan Ibraahim Cali oo ka mid ah shacabka ku nool degmada.

Salaam oo sii hadlayay ayaa sheegay in ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee ka tirsan AMISOM ay isaga sugan yihiin magaalada; balse aysan jirin wax arrintan ka qaban karaan, isagoo sheegay in magaalada la iska haysto aysan waxba tarayn, balse loo baahan yahay in shacabka la caawiyo.

“Waddooyinka waa xiran yihiin, shacabku waxay ahaayeen xoolo dhaqato xoolihii oo dhanna way ka dhammaadeen, waxayna u baahan yihiin gargaar deg-deg ah,” ayuu mar kale yiri Salmaan oo xusay in biyo la’aanta iyo raashin la’aanta ay yihiin laba arrimood oo dhibaato xooggan ku haya shacabka Xudur.

Al-shabaab ayaa horay u sheegtay inay go’doominayso degmooyinkii ay dhawaan kala wareegeen ciidamada Soomaaliya iyo kuwa AMISOM, iyadoo degmada Xudur ay ka mid tahay degmooyinka ay go’doomiyeen.

Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo madaxweynaha dowladda Soomaaliya uu dhawaan sheegay inay u baahan yihiin diyaarado gargaarka lagu gaarsiiyo deegannadii laga saaray Al-shabaab oo ay kooxdu go’doomisay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya