4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 17, 2014
Isbaarooyin la dhigtay Gobolka Shabeelada Dhexe iyo in la qaado oo la amray

Sabti, May 17, 2014 (HOL) — Ciidammo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay inay isbaarooyin dhigteen gobolka Shabeellada dhexe, iyadoo ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed Maxamed uu bixiyay amar ah in la qaado isbaarooyinkaas.

Kulan dhexmaray ra’iisul wasaaraha Somalia iyo odayaal kasoo jeeda gobolka  Shabeellada dhexe shalay gellinkii dambe ayaa waxay odayaashu ku sheegeen in ciidammada dowladda qaarkood ay isbaarooyin dhigteen deegaannada gobolkaas, taasoo ay ku sheegeen inay dhibaato ku keenay shacabka gobolkaas ku nool.

“Waddadan sida laguu sheegay markii hore caadi ayay ahayd haddana waxay u xayiran tahay isbaarooyin, dadkii ku noolaa gobolkana waxaa gaari la’a kilo sokor ah; arrintaas waxaan jecel nahay in wax laga qabto. Dowladdu inay canshuurta qaaddo waa mid sax ah, balse waxaa wanaagsan in si nidaam ah lagu qaado,” ayuu yiri oday dhaqameed ka mid ahaa kuwii la kulmay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Mid ka mid ah odayaashii kulanka ka hadlay ayaa sheegay in ciidanka dowladda Somalia ay la mid noqdeen kuwo dadka dhibaateeya, isagoo xusay in ciidamada ay isbaarooyinka u yaalla gobolka ay isugu jiraan kuwa nabadsugidda iyo milateriga.

Odayaashan ayaa sidoo kale u sheegay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya inaysan jirin wax gargaar ah oo gaaray shacabka ku nool gobolka Shabeellada Dhexe, gargaarkii loogu talogalay shacabka gobolkana lagu iibsado suuqa Bakaaraha, taasoo ay ku sheegeen dhibaato labaad oo shacabka gobolkaas haysata.

“Haddii dowladdu dhibaatada ka taagan gobolka gobolka Shabeellada dhexe ay wax ka qaban waydo, gobolku wuxuu isku bedelayaa mid fowdo iyo dhibaatooyin dhinaca bani’aadamnimada ay ka taagan yihiin, maadaama toddoba isbaaro ay yaallaan inta u dhexeysa Warsheekh iyo Ceel-cadde,” ayay odayaashan ka sheegeen kulanka.

Intaas kaddib ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa ka dalbaday ha’yadda nabad-sugidda Qaranka Soomaaliyeed inay qaaddo isbaarooyinka yaalla deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada dhexe, taasoo uu sheegay inay dhibaatooyin ku hayaan shacabka.

“Runtii arrimaha aad noo sheegteen deg-deg ah ayaan wax uga qabanaynaa, mana ogolaanayno in shacabka noloshooda la dhibaateeyo, waxaana hay’adda nabad-sugidda farayaa inay isbaarooyinkaas si dhaqso ah ku qaadaan,” ayuu yiri mudane C/weli Sheekh.

Hadalka ra’iisul wasaaraha ayaa imaanaya iyadoo sidoo kale ay cabashooyin kuwan la mid ah ka jiraan gobollo dalka ka tirsan, sida gobolka Shabeellada Hoose oo meelo badan oo ka mid ay yaallaan isbaarooyin kuwan la mid ah oo shacabka lagu dhibaateeyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya