4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 17, 2014
Shil gaari oo ka dhacay duleedka Laascaanood oo sababay khasaare nafeed

Sabti, May 17, 2014 (HOL) — Saddex qof ayaa ku geeriyooday, toddoba kalena way ku dhaawacmeen kaddib markii gaari ay saaraayeen uu kula rogmaday Buundada Xargaga oo 08-km dhinaca waqooyi kaga aaddan degmada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Gaarigan oo ahaa nooca loo yaqaan Toyoto NOAH ayaa ka yimid Hargeysa oo ah xarunta Somaliland ka hor intaanu fiidkii ku gadoomin duleedka magaalada Laascaanood, iyadoo dadkii dhaawaca ahaa la dhigay isbitaalka magaalada Laascaanood.

Cali Maxamed Ismaaciil oo meel aan ka fogeyn marayay waqtigii shilku dhacayay ayaa sheegay inuu mar keliya arkay boor ka booday meel aan ka fogeyn boholaha xargagga, kaddib muddo yar dabadeed waxaan arkay gaari baaba'ay iyo dad sidoo kale iyana wax nool iyo wax dhintay aan la kala garaneyn, muddo ayayna nagu qaadatay inaan wax kala saaro.

Dr. C/kariin Aadan Warsame ayaa HOL u sheegay in dadka dhaawaca ah ay saddex ka mid ah oo uu ku jiro darawalkii gaariga ay xaaladdoodu liidato loona qaaday dhinaca magaalada Garoowe.

Illaa hadda lama garanayo sababta dhabta ah ee keenay shilkan, waxaana ciidanka nabad-gelyada waddooyinku ay sheegeen inay wadaan sidii ay ku ogaan lahaayeen sababta gaarigu ku rogmaday.

Shalkan ayaa noqonaya kii ugu cuslaa ee ka dhaca duleedka magaalada Laas-caanood ee xarunta gobolka Sool sannadihii la soo dhaafay.

Dhinaca kale, waxaa isbitaalka magaalada Laascaanood lasoo gaarsiiyay nin la sheegay inuu ku dhacay ceel ku yaalla duleedka magaalada Laascaanood, waxayna ciidanka boolisiku sheegeen inay baaritaan wadaan isla markaana ay raadinayaan sababta dhacdadani iyo inay aqoonsadaan ruuxan.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool