4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2014
Ra’iisul Wasaaraha oo ka Qayb-galay Ciyaar ka Dhacday Garoonka Banaadir


Jimco, May 16, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed iyo xubno ka mid ah golaha wasiirrada, taliyeyaasha ciidamada dowladda Somalia, mas’uuliyiin ka socotay maamulka gobolka Banaadir  ayaa galabta dadwayne fara badan kala qaybgalay ciyaar ka dhacday garoonka Konis Istaadiyum ee magaalada Muqdisho.

Tartanka uu ra’iisul wasaaruhu ka qaybgalay ayaa ahaa ciyaaraha koobka Jeneraal Daa’uud oo ay isugu soo hareen labada kooxood ee kala ah Jeenyo iyo Heegan oo ay dhex-martay maanta ciyaar xiiso badan, iyadoo ay koobkii loo tartamayay ku guuleysatay kooxda Jeenyo, waxaana ra’iisul wasaaruhu uu guddoon siiyay kooxda Jeenyo koobkii.

Wasiirka dhallinyarada iyo isboortiga xukuumadda Somalia, Khaalid Cali Cumar oo goobta ka hadlay ayaa mahad-celin u jeediyay cid walba oo ka qayb-qaadatay  horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed iyo cayaaraha.

Ra’iisul wasaaraha oo isaguna hadlay ayaa ku dheeraaday ahmiyada uu leeyahay isboortiga, isagoo ku dhiirri-geliyay wasaaradda dhallinyarada iyo cayaaraha inay joogtayso kulamada noocaan oo kale ah, gobollada dalkana laga billaabo tartan ciyaareed dhex-mara kooxaha deegaannadaas.

“Cayaaraha oo soo noqda waxay ka dhigan yihiin noloshii Somalia oo dib u soo laabatay soo noqotay, cayaaruhu waxay astaan u yihiin nabadda, waxaan aad ugu mahadcelinayaa xiriirka kudbadda cagta Soomaaliyeed iyo wasaaradda cayaaraha iyo dhallinyarada. Kooxda maanta qaaday koobkaana waxaan leeyahay hambalyo,” ayuu yiri C/weli Sheekh.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha ayaa maanta u damaashaad tagay xeebta Liido, waxaana kusoo dhaweeyay xeebta dhallinyaro fara badan kuwaasoo markii uu gudaha u soo galay xeebta kor-u-qaaday ra’iisul wasaaraha, iyagoo ku dhawaaqayay erayo ay kusoo dhawaynayaan ra’iisul wasaaraha dalka.

Ra’iisul wasaaraha Somalia ayaa kula qaxweeyay dhallinyaradii ku dabaalanaysay xeebta baarka Beach Veiw, isagoo yiri: “Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta la damaashaado dhallinyaro Soomaaliyeed, marka hore dhallinyaro ayaan noqday oo maanta waxaan la damaashaadayaa dhallinyaro Soomaaliyeed, meesha aan maanta joogno ee Liido markii uu dhulku nabadda ahaa waxay ka mid ahayd goobihii aan u soo nashasho tegi jiray, waxaa isugu key darsamay soo dhaweyn aan kala kulmay dhallinyaradii ku dabaalanaysay xeebta iyo anigoo la qaxweeyay shacabkii fadhiyay Beach Veiw. Tani waa astaan rajo iyo xasillooni ka muuqata dalka.”

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya