4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2014
Faahfaahin kasoo baxaysa Qaraxyadii maanta ka dhacay Nairobi (SAWIRRO)


Jimco, May 16, 2014 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa shaacisay inay 10 ruux ku dhinteen laba qarax oo mataano ah maanta ka dhacay suuq ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyadoo ay ku dhaawacmeen 70-qof oo kale.

Qaraxyadan labada ah ayaa midkii hore waxaa ku qarxay bas 14-qof siday iyadoo kii labaadna uu ku qarxay gudaha suuqa Gikomba oo lagu iibiyo alaabooyinka lasoo celiyo, waxaana booliiska dalkaas ay sheegeen inay u qabteen qaraxyadan laba qof.

Hay’adda ka shaqeysa musiibooyinka dalka Kenya (NDOC) ayaa sheegtay dadka ku dhintay qaraxyadan ay xilligan marayaan 10-qof, sidoo kalena dadka dhaawacyadu ay soo gaareen ay iyaguna gaarayaan 70-qof, iyadoo hay’adda bisha case ee Kenya ay ku baaqday in dadka dhaawacmay dhiig loogu deeqo.

“Waan arkayay markii uu dhacay qaraxa hore. Dadku waxay billaabeen inay dhinac walba u cararaan,” ayay tiri haweeney goobta ku sugnayd oo la hadasha qaar ka mid ah suxufiyiin goobta ay qaraxyadu ka dhaceen booqday. “Dadka dhintay qaar ka mid ah waan garanayay.”

Taliyaha booliiska magaalada Nairobi, Benson Kibui ayaa isaguna warbaahinta dalka Kenya u sheegay in labada qof ay qaraxyadan u qabteen, mid ka mid ah waxaan ka qabannay buu yiri suuqa, midka kalena goob aanu sheegin, isagoo aan bixin warar intaas ka badan.

“Dad badan ayaa ku dhaawacmay qaraxyada. Ma garanayo inta qof ee geeriyootay, laakiise waxaa xaqiiqo ah in dad badan ay dhinteen,” ayuu yiri Mwangi Maina oo ah ganacsade kabaha duugga ah ku gada suuqa Gikomba oo ay labadan qaraxyadu ka dhaceen.

Sarkaal u hadlay isbitaalka guud ee dalka Kenya ayaa sheegay in lasoo gaarsiiyay maydadka siddeed qof iyo dhaawacyada 70 kale, isagoo yiri: “Dadka dhaawacyada qaba qaarkood aad ayay u dhiig-baxayaan, waxaan u baahannahay dhiig badan.”

Ma jirto cid weli sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadan oo noqonaya kuwii ugu khasaaraha badnaa ee ka dhaca magaalada Nairobi tan iyo markii ay ciidamada Kenya billaabeen howlgallada ay ku qabqabanayaan dadka Soomaalida ah iyo kuwa kale ee aan sharciga dalkaas haysan.

Dowladda Kenya ma jirto cid ay iyaduna qaraxyadan ku eedeysay, balse qaraxyadii hore waxay mas’uuliyiinta Kenya ku eedeyn jireen Xarakada Al-shabaab oo horay u dalbatay in ciidamada Kenya ay isaga baxaan Soomaaliya.

Kenya ayaa waxaa ka dhacayay qaraxyo iyo dilal qorsheysan tan iyo markii Somalia ay u direen ciidamadooda dhammaadkii sannadkii 2011, iyadoo qaraxyada intooda badan ay ka dhacayeen magaalooyinka Nairobi, Mombasa, Gaarisa iyo kuwo kale oo ku dhow soohdinta ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo qaraxan ka hadlay ayaa cambaareeyay isagoo sheegay in kuwii geystay sharciga la horkeeni doono, wuxuuna dadkii ay ka soo gaareen dhaawacyada u rajeeyay caafimaad dhaqso badan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya