4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2014
Dhismaha Jid isku xiraysa Gobolka Mudug oo Qayb ka mid ah la xarig-jaray


Jimco, May 16, 2014 (HOL) — Munaasabad ka dhacday duleedka Koonfureed ee degmada Galdogob oo ka tirsan gobolka Mudug ayaa xarigga looga jaray waddo isku xiraysa inta badan deegaannada gobolka Mudug.

Wasiirro ka tirsan maamulka Puntland oo ay ka mid yihiin, wasiirka howlaha guud, warfaafinta iyo arrimaha gudaha  ayaa ka qayb-galay munaasabadda, waxaana ku wahliyay maamulka gobolka Mudug, kan degmada Galdogob iyo qaybaha bulshada Galdogob oo isagu jira odayaal, dhalllinyaro iyo haween.

Jidka oo dhismihiisu socdo wuxuu si toos ah isagu xirayaa degmada Galdogob iyo Garacad, isagoo sii dhex maraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, waxaana maanta xarigga laga jaray 18-KM oo jaay ah xilliga jeyga la soo dhammeeyo ayaana la saari doonna laami sida ay sheegeen guddiga howsha waddada.

Wasiirka howlaha guud iyo guriyeynta Puntland, Cadirishiid Maxamed Xirsi oo ka jaray xarigga waddadan dhismaheedu socdo ayaa sheegay inay isku xiri doonto qaybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug.

Munaasabad kooban oo xarig-jarka loo qabtay, waxaa ka hadlay guddoomiyaha guddiga gacanta ku haya dhismaha waddadan, C/qaadir Khaliif Xaashi isagoo ka bixiyay faahfaahin howlaha ay soo qabteen iyo halka ay wax u marayaan.

"Waddadan 18-KM  ayaa xilligan dhisan howsho way socota dadka reer Puntland iyo shacabka Soomaaliyeed ayaana looga fadhiyaa dhameystirka waddadan oo faa'iido u leh, waxaana u maha-celinayna dadkii ka qayb-qaatay dhismaheeda oo halkan soo garsiiyay," ayuu yiri C/qaadir Khaliif Xaashi.

Hay'ad is-xilqaan oo dhiseysa waddada madaxa ugu sarreeya, Gorad Guufe oo u hadlay hay'adda ayaa ku baaqay in laga qeyb-qaato dhismaha waddada, isagoo sheegay inay si taburacaad ah ku dhisayaan 2-KM taasoo buuxinaysa jidka in la dhiso 20-KM.

Guddoomiyaha gobolka Mudug, Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigay) oo isna hadal  jeediyay ayaa tilmaamay inay waddadan sahlayso si dhaqso ah in lagu tago inta badan gobolka Mudug wuxuuna ummadda Soomaaliyeed iyo shacabkaba ugu baaqay inay ka qayb-qaatan dismaha, isagoo dhankiisa ku yaboohay lacag dhan 100 doollar oo u sheegay jidka inuu ugu deeqay.

Sidoo kale, guddoomiyaha degmada Galdogob, Xassan Faarax Maxamed(Ayaxle) ayaa sheegay in looga bahan yahay shacabka degmada iyo gobolka inay bixyaan canshuurta si loogu dhiso waddadan oo muhiimad weyn leh, isagoo xusay in 500 oo doollar inuu ku bixinayo dhismaha waddada.

Wasiirka  howlaha guud iyo guriyeenta Puntland, Cadirishiid Maxamed Xirsi ayaa isna sheegay in wax lagu farxo ay tahay in 18-KM lasoo dhisay lana doonayo in uu isku xiro Galdogob  illaa Garacad, isagoo intaas ku daray in looga bahan yahay shacabka, ganacsata iyo bulshada qaybaheeda kala duwan inay qayb ka qaatan dhismaha waddadda, isaga iyo labada wasiir ee warfaafinta iyo arrimaha gudaha waxaa ay dhankooda ugu deeqeen dhismaha waddadan lacag gaaraysa 3000 oo doollar.

Odayaal, ganacsato iyo xubno ma talayay bulshada qaybaheeda ayaa iyaguna dhankooda ku baaqay in loo bahan yahay dhameystirka waddadan inay ka qeyb-qaatan shacabka Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, munaasabadda waxaa lagu baaqay shacabku ka qayb-galay inay bixiyaan waxay ugu qayb-qaadan karan dhismaha waddadan, waxaana la iska aruuriyay lacag dhan 54,000 oo doollar oo lagu dhisayo waddadan.

Iimaan Maxamed,Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya