4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2014
Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed iyo Jaamacada Banaadir oo kulan yeeshay


Jimco, May 16, 2014 (HOL) — Kulan ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta jaamacadda Banaadir iyo ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ayaa lagu qabtay maanta Muqdisho, iyadoo looga hadlay sidii labada dhinac ay isaga kaashan lahaayeen doorashada hoggaanka cusub ee ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo dhowaan la qaban doono.

Mas’uuliyiin, macallimiin iyo dhaqaatiir ka qalin-jebisay jaamacadda Banaadir, gudoomiyaha ururka dhaqaatiirta Soomaaliyed, xubno ka tirsan ururkaas iyo marti sharaf kale ayaa ka qaybgalay kulanka.

Hormuudka kuliyadda caafimaadka ee Jaamacadda Banaadir, Dr. Maxamed Maxamuud Biday oo kulanka furay ayaa sheegay in kulanka uu ku saabsan yahay abaabulka xiriirka wax wada-qabsi ee jaamacadda Banaadir iyo ururka dhaqaatiirta iyo isku-xirka dhaqaatiirta cusub ee ka qalin-jabisay Jaamacadda iyo ururka dhaqaatiirta oo uu xusay inuu yahay dalad mideysa guud ahaan dhaqaatiirta Soomaaliyeed ee ka qalin-jebiyay jaamacadaha dalka.

Guddoomiyaha ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed, Dr. Cismaan Aadan Cabdulle oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay kasoo qayb-galka kulanka, isagoo xusay inuu soo dhaweynayo dhaqaatiirta ka qalin-jabisay Jaamacadda Banaadir inay xubno buuxa ka noqdaan ururka dhaqaatiirta, isagoo dhinaca kale ka warramay wax-qabadka ururku ku tallaabsaday lixdii bilood ee lasoo dhaafay.

“Ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed ujeedka loo aasaasay waxaa ka mid ah inuu tayada dhaqaatiirta iyo aqoontooda kor u qaado, inay midoobaan, inay la jaan-qaadaan asaaggood ku dhaqan caalamka intiisa kale. Waxaad mooddaa dib u dhac badan baa xageenna ka jira, horayna looma socon karo haddii aan aqoonta la aaminin,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Sidoo kale, guddoomiyaha Jaamacada Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo isna madasha ka hadlay ayaa u mahad-celiyay ka qayb-galayaasha kulankaan, isagoo dhinaca kale warbixino ka bixiyay jaamacadda Banaadir qaybteeda caafimaadka, xiriirka ka dhexeeya jaamacada iyo ururka dhaqaatiirta.

“Waxaaan dhihi karnaa Jaamacada Banaadir waxaa dhalay ururka dhaqaatiirta Soomaaliyeed oo la asaasay sannadkii 2000, shaqadii ugu horreysay ee la qabtay waxay ahayd sahan ku saabsan tirakoobka dhaqaatiirta dalka joogtay Muqdisho oo aad yaraa, go’aannadii ugu horreeyay ee ururka kasoo baxa waxaa ka mid ahaa in la sameeyo jaamacad ama kuliyad ay kasoo baxaan dhaqaatiirta, aasaaska jaamacada Banaadir halkaas ayuu kasoo jeedaa,” ayuu yiri Dalmar.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in iyadoo laga duulayo go’aannada ururka dhaqaatiirta dhidibada loo aasay jaamacadda Banaadir 01-dii Sebtembar, 2002, wuxuuna tilmaamay in lagu billaabay 22 arday oo noqday kooxdii ugu horreysay dhaqaatiir ah ee jaamacadda ka qalin-jabisay sannadkii 2008-dii, isagoo intaas ku daray in kulliyadaha kale ee jaamacadda ay asaas u tahay kuliyadda caafimaadka jaamacadda Banaadir oo hadda noqotay ayuu yiri mida ugu weyn Soomaaliya oo ay dhigtaan xilligan 1,228 arday, ayna horey uga qalin-jebiyeen 170 dhaqtar.

“Nasiib wanaag kuliyadda caafimaadka Jaamacadda Banaadir waa kulliyadda keliya ee Soomaaliya ka jirta oo ay aqoonsan tahay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO iyo ururro kale oo caalami ah, taasoo u suuro-gelisay inay dhaqaatiirteenna meel kasta oo caalamka ah ay doonaan karaan aqoon iyagoo la mid ah dhaqaatiirta kale ee kasoo qalin-jabiyey jaamacadaha adduunka.

Waxaa sidoo kale ka hadlay munaasabaddaas, Prof. Cismaan Xaaji Maxamuud Dufle oo ka mid ah aasaasayaasha jaamacadda Banaadir, guddoomiye ku-xigeenka mu’asasadda jaamacaddaas, C/risaaq Xasan Cali iyo xubno kale.

Prof. Dufle ayaa si gooni ah diiradda u saaray sidii wax looga qaban lahaa kooxo uu ugu yeeray burcad-dhaqtareed sheeganaya dhaqtarnimo, hase ahaatee aan ahayn, isagoo xusay in kooxahaas ay dhibaato ku hayaan bulshada ayna dhib u geysteen magaca iyo sumcadda dhaqaatiirta Soomaaliyeed, isagoo tilmaamay in dhaqaatiirta ay wadaan dadaalo ay kooxahaas kaga wacyi-gelinayaan bulshada si ay dhibkooda uga badbaadaan.

Intii kulanku socday waxaa waraaqaha diiwaan-gelinta ururka dhaqaatiirta la siiyay guud ahaan dhaqaatiirtii kulankaas kasoo qayb-galay oo isugu jira kuwii hore, kuwii dhexe iyo dhaqaatiirtii ugu dambeysay ee jaamacadda Banaadir ka qalin-jabisay, iyadoo dhinaca kale laga soo jeediyay kulanka warbixin dheer oo ku saabsan waxqabadka ururka dhaqaatiirta muddadii uu jiray howlaha uu wado iyo qorshayaasha uu hiigsanayo mustaqbalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya