4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2014
Qaraxyo khasaare nafeed geystay oo maanta ka dhacay suuq ku yaala Nairobi


Jimco, May 16, 2014 (HOL) — Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhintay laba qarax oo maanta ka dhacay suuqa Gikomba oo ku yaalla magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya, iyadoo aan la ogeyn cidda ka dambeysa qaraxyadan.

Qaraxyadan ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor ay dalalka Ingiriiska iyo Mareykanka ugu baaqeen muwaadiniintooda inay ka baxaan Kenya, kaddib markii ay soo saareen digniino ku saabsan weerarro argagaxiso oo ka dhaca dalka Kenya.

“Weerarkii qaraxa ahaa ee ugu horreeyay ayaa waxaa la sheegay in lagu tuuray gaari kuwa dadweynaha ah (Matatu) oo ay saarnaayeen 14-qof, qaraxa labaad ayaa isna lala beegsaday suuqa Gikomba, waxaana ku dhintay afar qof labada qarax,” ayaa lagu yiri warbixin hay’adda musiibooyinka Qaranka Kenya.

Hay’adda ICRC ee dalka Kenya ayaa iyaduna warbixin ay soo saartay ku sheegtay inay 10-qof oo dhaawacyo qaba geystay isbitaallada Kenya, iyadoo aan la ogeyn tirada dadka ay waxyeellada kasoo gaartay qaraxyadan.

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta oo qaraxyada kaddib khudbad ka jeediyay xarunta madxtooyada ayaa si adag u cambaareeyay qaraxyadan, isagoo dadkii ku dhaawacmay u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Dalka Kenya ayaa waxaa ka dhacayay tan iyo Septembertii lasoo dhaafay qaraxyo culus oo khasaare badan geystay, iyadoo qaraxyadan ay kusoo beegmayaa xilli ay toddobaadyadii lasoo dhaafay Nairobi iyo Mombasa ka dhaceen qaraxyo khasaare nafeed geystay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya