4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2014
Machadka ISOS oo Qabtay Kulan ku Saabsanaa Mustaq-balka Dhallinyarada


Jimco, May 16, 2014 (HOL) — Munaasabadda 15-ka May awgeed ayuu machadka ISOS wuxuu qabtay aqoon-is-weydaarsi ku saabsan mustaqbalka dhallinyarada Soomaaliya oo cinwaankiisu ahaa (Somali Youth Future: Challenges and Opportunities “an inside View”).

Aqoon-is-weydaarsigan ayaa waxaa ka qayb-galay dhallinyaro si fiican u falan-qeeyay arrintan. Waxayna dhallinyaradani ka hadleen  dhibaatooyinka iyo culeysyada haysta, sidoo kale fursadaha ay haystaan iyo sidii ay uga faa’iidaysan lahaayeen.

Furitaanka aqoon-is-weydaarsiga waxaa ka hadlay, Dr. Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan) oo ka qaybgalayaashii kulanka ku dhiirri-geliyay inay fikradahooda soo bandhigaan, isla markaana wadaagaan, una fikiraan sidii ay mustaqbal nuuraya u higsan lahaayeen.

Kaddib, waxaa lasoo bandhigay warbixin kooban oo machadka ISOS soo diyaariyay, taasoo ku saabsanayd xaaladda Soomaaliya iyo saameynta ay dhallinyarada ku leedahay. Warbixintan waxaa soo bandhigay, Mustafa C/llaahi Fayruus.

Intaas kaddib, dhallinyaradu waxay guda-galeen inay ka doodaan dhinacyada kala duwan ee culeyska iyo mashaakilaadka haysta, sida dhinaca waxbarashada iyo tacliinta marxaladaheeda kala duwan; ha noqoto dhinacyada bulshada sida dhinaca nafsiga, dhaqaalaha IWM.

Sidoo kale, dhallinyaradu waxay ka wadahadleen fursadaha ay haystaan, iyagoo tilmaamay fursadda ugu qaalisan ee ay haystaan inay tahay dhallinyaronimada iyo caafimaadka. Waxayna tilmaameen siyaabaha ay uga fursadahaas faa’iidaha.

Waxaa kale oo dhallinyarada qaarkood ay tilmaameen in caqabadaha iyo culaysyada jira inaysan niyadda ka jabin ee ay tahay inay la tacaalaan sidii ay caqabadahaas u furdaamin lahaayeen.

Aqoon-is-weydaarsigu wuxuu ku dhacay jawi firfircooni leh, dhallinyaraduna waxay ka mahad-naqeen in sida ay wax u arkaan la weydiiyay.

Machadka Institute for Somali Studies (ISOS) waaxa rug cilmi-baariseed ka tirsan jaamacadda Muqdisho, kana shaqaysa baaritaanka arrimaha Soomaaliya iyo guud ahaan Geeska Afrika.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya