4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2014
Maamulka Ximan & Xeeb oo sheegay inay badbadiyeen Ilmo lasoo Afduubay

Jimco, May 16, 2014 (HOL) — Maamulka Ximan iyo Xeeb ee Magaalada Cadaado ayaa waxay faahfaahin ka bixiyeen carruur lasoo afduubtay oo ay gacanta ku dhigeen xilli ay kooxihii soo afduubay marsiinayeen magaaladaas.

Wasiirka arrimaha gudaha Ximan iyo Xeeb, Xasan C/llaahi oo la hadlayay qaar ka mid ah warbaahinta Muqisho ayaa sheegay inay carruurtaas oo 15 ahaa iyo labadii qof oo soo afduubtay ay hadda hayaan ayna su’aalo weydiinayaan.

“Labada ruux ee la qabtay waxay sheegeen inay carruurtan iyagu soo wateen, waxaana socda baaritaanno lagu sameynayo, markii baaritaanku dhammaado ayaana saxaafadda u soo bandhig doonnaa,” ayuu yiri Xasan C/llaahi.

Sidoo kale, wasiirka ayaa sheegay in warbixinno ay heleen awgood ay ugu suuro-gashay inay gacanta ku dhigaan labadan qof ee caruurto afduub ahaanta u soo watay, inkastoo uusan sheegin inay rag yihiin inay dumar yihiin.

Wasiirku ma sheegin carruurta lasoo afduubay da’dooda iyo noocyada ay ka kooban yihiin, balse wuxuu sheegay inay goob gaar ah ku hayaan hadda ayna ka war-sugayaan baaritaannada la wado.

Ma ahan markii ugu horreysay oo la qabto dad la sheegay inay afduub ahaan u soo kexeysteen carruur yar-yar, waxaana horay maamulka Puntland ay gacanta ugu dhigeen haween iyo rag afduub ahaan u watay caruur.

Carruurtan ayaa waxay kasoo jeedeen deegaannada Koonfurta Somalia, waxayna qaarkood sheegeen in laga soo kexeeyay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baydhabo, halkaasoo dib loogu celiyay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya