4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 16, 2014
Kenya oo ka Jawaabtay Digniinihii ay soo saareen Mareykanka iyo Ingiriiska

Jimco, May 16, 2014 (HOL) — Xukuumadda Kenya ayaa jawaab deg-deg ah ka bixisay digniin ay soo saareen dalalka Mareykanka iyo ay Ingiriiska, taaaso ahayd in falal argagaxiso ay ka dhici karaan dalka Kenya, gaar ahaan magaalada Mombasa.

Wasaaradda arrimaha dibadda Kenya ayaa sheegtay in digniintii ugu dambeysay ee kasoo baxday Maraykanka iyo Ingiriiska waa mid lagu fududaaday isla markaana aan si dhab ah looga fiirsan.

“Waa warbixin nagu abuuri kara niyad-jab; kuma tilmaami karno saaxiibbo noola dhaqmaya si aan wanaagsanayn. Kenya kama jiraan wax khatar argagaxiso ah oo soo fool leh,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaardda arrimaha dibadda Kenya.

Sidoo kale, wasaaradda ayaa xustay in inkastoo ay jiraan hanjabaadyo dhanka Al-Shabab kaga imaanaya, haddana ay awood u leeyihiin inay sugaan amniga guud ee dalxiisayaasha iyo dadka kale ee dalkeeda jooga ama imaanaya.

“Dowladda Kenya way ku filan tahay inay sugto ammaanka dalkeeda, awood ayayna u leedahay inay sugto dalxiisayaasha dalkeeda imaanaya iyo sidoo kale dadka kale ee dalkooda jooga,” ayaa wabixinta lagu yiri.

Maraykanka iyo Ingiriiska ayaa warbixin ay si wadajir ah u soo saareen ku xusay dhawaan in Kenya ay ka jirto halis ammaan oo laga cabsi qabo in Al-shabaab ay ka geysato falal argagaxiso.

Labadan dowladooda aya dadkooda uga digay inay tagaan magaalada Mombasa iyo deegaanno ku dhow-dhow, halka kuwa aan weli tegin Kenyana uga digay inay dalkaas booqdaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya